Saxilnews.com
Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Oo Haweenka Ku Bogaadiyay 8 March
March 8, 2017 - Written by suxufi

Hargeysa(Saxilnews)Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ahna ku simaha Madaxweynaha Qaranka Somaliland wuxuu dhambaal hambalyo iyo bogaadin ah u dirayaa Haweenka Somaliland meel kastoo ay joogaan guddo iyo dibedba, iyo guud ahaanba Haween-weynaha Adduunku u dabaal-deggayaan Maalinta 8da March, oo ah maalin Caalamiya loona aqoonsaday inay gaar u noqoto Haween weynaha adduunka.

Ku simaha Madaxweynuhu waxa uu munaasibadda 8da March awgeed, Haweenka Somaliland u rajeeyey inay xuskan kiisa kale ku gaadhaan bash-bash, barwaaqo iyo nabadgelyo.

hambaalkiisan hambalyada ah, Madaxweyne ku xigeenku wuxuu ku sifeeyey haweenka laf-dhabar iyo Xoog mug iyo miisaan ku leh nolosha bulshada, dib-u-dhiska iyo horumarka dalka.

 

ALLAA MAHAD LEH

 

    Xuseen Aadan Cige (Deyr)

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.   

COMMENTS
Latest News