Saxilnews.com
MADAXWEYNE KU XIGEENKA SOMALILAND OO CISBITALKA KU SOO BOOKHDAY XAAJI CABDI WARAABE OO XAALAD CAAFIMAAD U JIIFA
August 22, 2017 - Written by editor
MADAXWEYNE KU XIGEENKA SOMALILAND OO CISBITALKA KU SOO BOOKHDAY XAAJI CABDI WARAABE OO XAALAD CAAFIMAAD U jiifa

 “

Hargaysa:-(saxilnews.com) Madaxweyne ku-xigeenka Ahna Ku-simaha Madaxweynaha JSL Oo Cusbitaalka International Ku Bookhday Xaaji Cabdikariin Xuseen Yuusuf (Cabdi-waraabe) Oo Xaalad caafimaad U Jiifa.

Waxaanu Madaxweyne ku-xigeenku Xaajiga ALLE uga baryay inuu caafimaad taamaha siiyo kana dulqaado xanuunka, isagoo sheegay madaxweyne ku xigeenku In Xukuumadda Somaliland u diri Doonto xaajiga Dalka Imaaradka carabta si loogu soo daweeyo waxaana halkaasi uga mahadnaqay xukuumadda iyo shacbiga Somalilandba Qoyska xaaji Cabdi-waraabe oo Madaxweynaha, madaxwayne ku-xigeenka iyo guud ahaan Xukuumada Somaliland ku bogaadiyay dadaalka ay ugu jiraan ogaanshaha iyo ka war haynta xaalada xaajiga.

COMMENTS
Latest News