Saxilnews.com
MADAXWEYNE KU XIGEENKA JSL OO SHAQADII KA JOOJIYEY GUDDOOMIYIHII GOBOLKA AWDAL
August 29, 2017 - Written by editor

Hargeysa:-(saxilnews) Madaxweyne Ku Xigeenka JSL MD Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa shaqadii ka joojiyey Guddoomiyihii Gobolka Awdal Mustafe Cabdi Ciise (Shiine).

Sidaana waxa lagu cadeeyay amar qoraal ah oo uu Madaxweyne ku xigeenku oo lagu socodsiiyey masuuliyiinta kala ah Wasiiru dawlaha amniga ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Wasiir ku xigeenka Gobollada iyo Degmooyinka ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Awdal iyo Taliyaha Ciidanka Booliska.

Qoraalkaasi oo nuqul ka mid ahi uu soo gaadhay Shabakadda Wararka ee Somalilandtoday ayaa waxa uu u dhignaa sidan.

COMMENTS
Latest News