Saxilnews.com
MADAXWEYNE KALA DOORO CODKA BULSHADA GOBOLKA GABILEY IYO MADAXDA DAWALADA HOOSE EE FADHIIDKA AH KUNA MAXAFSADA MAGACA QASRIGA
March 11, 2015 - Written by admin

Gabiley( Saxil News.com)-

Madaxweyne kala Dooro Codka Bulshada Gobolka Gabiley iyo Madaxda Dawalada Hoose Ee Fadhiidka Ah Kuna Maxafsada Magaca Qasriga Madax tooyada

 images

Hadiiba ay xaalada waxqabad ee golaha degaanka gabiley noqotay mid aan dhaafsiisanayn balan qaadka iyo TVyada dalka waxqabad aan muuqan laga sheeg sheego waxaa ma huraan ah in si hufan looga hadlo arintan

Waxaan la difir Karin mudadii uu jiray golaha deegaanka gabiley oon ka yarayn 2sano iyo 4 bilood in mudadaa intaa leeg habeen iyo maalinba tvyada qaranka uu gudoomiye   shucayb iyo xoghayaha cabdirahman ay la taagan yihiin waxaan iyo waxan ayaanu qabanay iyo waxaan ayaanu dhisaynaa oonu dhagax dhigay waxan intaa dheer in wafti kasta oo soo gaadha gobolka gabiley min madaxweyne ku xigeen marwo wasiiro lagu marti qaado inay kala qayb galaan dhagax dhiga ama xadhigjarida iyadoo weliba inta uu madaxweynuhu xadhiga dhig ama xadhiga jaray hadana sanad ka dib ay wasiiro xadhiga ka jaraan sida inta badan ka dhacda gabiley waxay dad badan oo reer gabiley ah kana tirsan waxqaradka iyo aqoonyahanka reer gabiley is weydiinayaan sababta beenta intaa leeg ay xukumada madaxweyne siilaanyo indhaha uga qarsanayso iyo sida ay waxqabad la’aanta maamulka dawlada hoose ee gabiley u eegayso raalina uga tahay ?????????????????????????

Waxqabadka kaliya ee manta ka muuqda  degaanka gabiley waa kaalamada ama mashaariicda JPLJ.ga ay hayadaha q. midoobay ugu deeqaan dawlada hoose ee dalka JSl

Mashaariicdaa oo qaarkood ilaa ahda qabyo yihiin kadib markii la sheegay inay maamulka dawlada hoose ka gaabiyeen qabyadaa mashaariicda waxaa ka mid ah sida la sheego guriga dawlada hoose ee dabaqa ah .

Dhinaca dakhliga maalinlaha ah ee ugu soo xerooda dawlada ahaan kastamka kalabaydh ayaa sida laga warhayo u dhaxeeya 40-45 milyan maalintii taas oo isku celcelis ahaan bishii ku dhow hal bilyan iyo shan boqol oo milyan waxaa intaa u dheer dhakhliga maalin laha ah ee sida koogtada ah uga soo xerooda Suuqyada magaalooyinka hoos yimaada maamulka gabiley waxaa ayaan darro in halkii dhakhliga intaa leeg ummadda wax loogu qaban lahaa ay gudoomiye shucayb iyo xoghayihiisu kala hororsadaan sidi midba midka kale ugalo hor bixin lahaa dhakhliga u soo xerooda inta aanu khasnado  bangiga ku dhicin waxay bulshada reer gabiley ka war hayaan sida ay labada masuul isugu fanaan iibsiga guryaha qaaliga ah iyo gaadiidka dawlada hoose ee gobolka gabiley lagu leeyahay iyo shaqaale hooseedka xashiishka 2-3 bilood ku yeesha musharadooda waxaa intaa dheer in guud ahaan gaadiidka kala duwan ee dawlada hoose yar iyo weynba la arko iyagoo taayiro la’aan saliid la’aan u yaal gidaarada halka hantida loogu talo galay guryo gadiid modelada u danbeeyey iyo lambarada u danbeeyey lagasoo iibsado isweydiintu waxay tahay masuuliyiinta dawlada hoose ee gobolka gabiley  oo uu muuqda  kuwo kalsoonidii iyo ku talagalay ay ku muuqato ugu takri fala hantida ummada ayaa hadana ay bulshada horteeda iyo goobaha lagu kulmaba ay kaga faanaan qasriga madaxtooyada ayaanu kalsoonu buuxda ka haysanaa  waxa kaloo la sheegay inay halhays u noqotay inta cabdicasiis , xirsi , iyo marwada koowaad ee qaranku joogaan ma jirto cidna bedeli karta iyo gabiley ku habatay qabyaalad iyadoo si weyn looga soo Dhaweeyay waxa ka bedelkii madaxweynuhu ku sameeyey golihiisa ayaa reer gabiley u arkaan is casilaada cabdicasiis maxamed samaale inuu meesha ka baxay haldoorkii tiirdhexaadka u ahaa musuqmaasuqa ragaadiyeye degaanka gabiley uu saaxada siyaasadeed ka baxeen maca abiib tima cad sidaa darteed madaxweyna siilaanyo iyo Aamina waris ha kala doortaan bulshada reer gabiley iyo madaxda musuqmaasuqa ku faanta ee dawlada hoose gabiley

Qoraa Maxamed Biid
Maxedbiid@gmail.com
Gabiley

COMMENTS
Latest News