Saxilnews.com
Madaxweyne African Ah Oo Dawladiisa U Magacaabey Raysal Wasaare Cusub +  Waa Kuma
April 8, 2017 - Written by suxufi

Congo (SaxilNews):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Dimoqaraadiga ee Kongo, Joseph Kabila, ayaa umagacaabay Bruno Tshibala inuu noqdo ra’iisul wasaaraha cusub ee dawladda awood wadaagga ah.

 

Mr Tshibala ayaa dalka hogaamin doona ilaa iyo inta laga qabanayo doorashada madaxweynaha, dabayaaqada sannadkan.

 

Waxaa bishii hore laga eryey xisbiga mucaaradka ee dalka ugu weyn, UDPS, ka dib markii uu u tartamay inuu noqdo qofki beddeli lahaa hogaamiyihii ruugcadaaga ahaa, Etienne Tshisekedi, oo dhintay bishii Febraayo.

Wariyeyaashu waxay sheegayaan in magacaabista Mr Tshibala ay sii fogeynayso kala qaybsanaanta mucaaradka Mr Kabila, ka dib markii uu burburay wadaxaajood ku saabsanaa sidii uu awoodda u wareejin lahaa todobaadkii hore.

COMMENTS
Latest News