Saxilnews.com
MADAXWEYNAHA TURKIGA OO KA HADLAY HAWL GAL CIIDAMADIISU KU QABSADEEN MAGAALADA AFRIN EE DALKA SUURIYA
March 18, 2018 - Written by editor

Madaxweynaha dalka Turkiga, Recep Tayyip Erdogan ayaa ka hadlay dagaalka daladiisu  ku qabsaneyso magaalada Afrin ee dalka Suuriya, isaga oo  sheegay in xoogaga taabacsan dawladda Turkiga ay la waregeen magaalada Afrin oo xarun u aheyd Kurdiyiinta Suuriya.

“Qeyb kamid ah ah ciidammada xorta ee Suuriya ayaa waxaa ay saaka la waregeen magaalada Afrin” waxaa sidaasi yidhi madaxweyne Erdogan.

Hawgalka dawladda Turkiga ay ka waday Afrin oo socday muddo laba bilood ah ayaa dawladda Turkiga waxaa ay sheegtay inay uga gol leedahay  sidii meesha looga saari lahaa Kurdiyiinta Suuriya oo ay dawladdu Turkigu u aqoonsan tahay argagixiso.

Tobanaan kun oo

qof ayaa ka qaxay halkaasi, waxaana dadka u ololeeya arrimaha xuquuqul insaanka ay sheegayaan in 280 qof oo rayid ah ay ku dhinteen dagaalka Turkiga ee Afrin, inkastoo dawladda Turkigu ay beenisay tiradaasi.

Ciidammada qabsaday Afrin ayaa lagu soo warramayaa inay waddooyinka magaaladaasi ay ku baacsanayaan dagaalamayaasha Kurdiyiinta ee YPG.

Turkiga ayaa kooxda YPG u aqoonsan inay qeyb ka yihiin xisbiga PKK ee laga mamnuucay gudaha Turkiga, kuwaas oo muddo sodon sanno ah u dagaalamayay inay ka go’aan Turkiga intiisa kale.

 

 

 

Source:-BBCsomali

COMMENTS
Latest News