Saxilnews.com
Madaxweynaha Turkey oo si Cajiib ah usoo dhaweeyay Farmaajo & Kulan Xasaasi ah oo haatan socda
April 26, 2017 - Written by Cabdiqani Deeq

Istanbul(Saxilnews)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa haatan kulan la leh dhigiisa waddanka Turkiga Mudane Recep Tayyip Erdoğan.

Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadlaya xiriirka iyo Iskaashiga ka dhaxeeya Waddamada  ee Turkiga iyo Soomaaliya, sidaas waxaan kasoo xiganay Wakaaladda Warraka ee  SONNA.

Arimaha sida weyn looga hadli doono waxaa kamid ah xariirka labada dal iyadoo madaxweyne Farmaajo uu Turkey uga mahadcelin  doono taageerada ay la garab taagan yihiin shacabka Soomaaliyeed.

COMMENTS
Latest News