Saxilnews.com
Madaxweynaha Somaliya Oo Ka Dhoofaya Moqdisho Iyo Halka Uu Ku Sii Jeedo
July 3, 2017 - Written by suxufi
Moqdisho (Saxilnews):- Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa lagu wadaa inuumaalmaha soo socda safar ku tago magaalada Garowe ee xarunta maamul goboleedka Puntland iyo deegaanada kale ee maamulkaas hoos-yimaada, iyadoo booqashadan qeyb ka tahay safaro uu ku kala bixinayo xarumaha maamul goboleedyada Somaliya

Related image

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta Cabdi Faarax Juxa ayaa safar ku maraya deegaanada Puntland, isagoo sheegay in safarkiisa uu gogol xaadh u yahay booqasho la filayo in Madaxweynaha uu maalmaha soo socda ku tago.

 

Wasiir Juxa ayaa shalay gaadhay magaalada Boosaaso, halkaasoo si weyn loogu soo dhoweeyay, waxaa uu horay u soo maray Gaalkacyo, Garowe, Qardho iyo deegaanada kale ee Puntland ka tirsan.

Farmaajo ayaa horay booqasho ugu tagay xarumaha maamul goboleedyada Koofur Galbeed, Galmudug iyo Jubbaland, iyadoo safarkii ugu dambeeyay uu ku tagay magaalada Kismaayo, halkaasoo habeen uu ku hoyday.

COMMENTS
Latest News