Saxilnews.com
WAR DEG DEG AH MADAXWEYNAHA SOMALILAND MUUSE BIIXI CABDI OO MAGACAABAY QAAR KA MID AH AGAASIMAYAASHA GUUD EE WASAARADA IYO HAYADA MADAXBANAAN
January 3, 2018 - Written by editor

 

 

War-saxaafadeed

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu maanta wareegto madaxweyne oo summadiisu tahay JSL/XM/WM/222-15/012018 ku magacaabay, masuuliyiintan.

Madaxweynuhu:

Markaan Arkay:                   Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad; Xarafaha (b), (kh) iyo (sh);

 

Markaan Arkay:   Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda Shaqo;

Markaan ku Qancay:          In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan;

Markaan Sameeyey:            La-tashi Ballaadhan;

Waxaan Go’aamiyey:

In laga bilaabo taariikhda maanta aan xilalkan u magacaabo masuuliyiinta magacyadoodu hoos ku xusan yihiin:

1.Cali Cabdillaahi Daahir Xirsi

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda

Isgaadhsiinta iyo Tignoolajiyadda

2.Axmed Yuusuf Dirir Maxamed

Hanti-dhawraha Guud ee Qaranka

3.Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye Faarax

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka

4.Cumar -sayid Cabdillaahi Aadan Qalinl

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka

5.Faysal Cali Sheekh Maxamed Cabd

Guddoomiyaha Hay’ ada U-diyaar Garawga Aafooyinka iyo Kaydka Raashiinka Qaranka

6.Cabdikariim Axmed Maxamed Faarax

Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka

ALLAA MAHAD LEH

Muuse Biixi Cabdi

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland

 

 

COMMENTS
Latest News