Saxilnews.com
Madaxweynaha JSL & Madaxda Kale ee Qaranka oo Ka Qayb Galay Aaskii Marxuum Gacmo-dheere
March 25, 2015 - Written by admin

Hargaysa (Saxil News.com)-Madaxweynaha JSL Md Axmed maxamed maxamuud siilaanyo oo ay wehelinayeen Madaxda kale ee Qaranka sida Gudoomiyayaasha Golayaasha Guurtida iyo Wakiilada, madaxda axsaabta Qaranka, xubno ka tirsan glolaha wasiirada, salaadiin,culima’udiin iyo dadweyne faro badan ayaa maanta ka qayb galay Aas qaran oo loo sameeyey marxuum Xuseen Gacmo-dheere oo ka mid ahaa odayaashii reer Somaliland ee ganacsatada ah,

Marxuumka oo lagu aasay Magaalada hargaysa waxa uu ku dhintay shil ka dhacay deegaano ka tirsan Gobolka daad-madheedh, ka dib markii askari ku sugnaa bar ilaalo uu rasaas ku furay gaadhigii uu marxuumku watay.
https://www.youtube.com/watch?v=pS7zUbrkPME&feature=youtu.be

COMMENTS
Latest News