Saxilnews.com
Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu xafiiskiisa ku qaabilay Wefti balaadhan oo ka socda Bank horumarinta ee KFW,
March 26, 2015 - Written by admin

Hargaysa (Saxil News.com)-Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu xafiiskiisa ku qaabilay Wefti balaadhan oo ka socda Bank horumarinta ee KFW, oo ah bank laga leeyahay dalka Jarmalka, kaasi oo Somaliland ka caawin doona saddex qaybood oo noqon doona Biyaha Hargeysa, Nadaafada Hargeysa iyo biyo celinta iyo Caro celinta dhanka beeraha.

 

Kulankan ayaa madaxweynaha ku wehelinayeen Wasiirka Qorshaynta Qaranka, Wasiirka Maaliyada, Wasiirka Beeraha, Wasiirka Deegaanka, wasiiru-dawlaha Madaxtooyada, Maayarka Caasimada, Maareeyaha Biyaha iyo Xoghayaha gaarka ah ee Madaxweynaha.

 

COMMENTS
Latest News