Saxilnews.com
Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu tacsi u dirayaa, Qoyskii Iyo Qaranka Uu Ka Marxuum Chief Caaqil Saahid Xaaji Aadan Aw Cilmi Qabile
May 20, 2015 - Written by admin

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu tacsi u dirayaa, Sulaaadiinta, Cuqaasha, Boqorada, Ugaasyada, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga Somaliland isaga oo ka tacsiyadaynaaya geerida ku timid Marxuum Chief Caaqil Saahid Xaaji Aadan Aw Cilmi Qabile oo ku geeriyooday Hargeysa 20/05/2015.

 

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey oday dhaqameed ka baxay qaranka somaliland, kana soo shaqeeyey nabadayntii, Halgankii iyo dib u dhiskii dalka oo uu ilaa wakhtigan ku hawlanaa waxaanu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii jannatu fardawsa ka waraabiyo, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga  Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

 

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

 

 

Naasir Yuusuf Daahir

Xoghayaha gaarka ah ee Xafiiska Saxaafada Madaxtooyada JSL,

ahna ku simaha afhayeenka Madaxtooyada JSL.

 

Naasir Yuusuf Daahir (Nasir Naska)

Xoghayaha Gaarka ah ee Xafiiska Saxaafadda Madaxtooyada JSL.

COMMENTS
Latest News