Saxilnews.com
Madaxweynaha Dalka Ugandha Oo Dallacsiiyay Wiilkiisa Iyo Xilka Uu U Magacaabey
January 11, 2017 - Written by Abdisalaan Harir
Ugandha (Saxilnews):- Madaxweynaha dalka Ugandha, Yoweri Museveni ayaa wiilkiisa curadka ahdallacsiiyay, wuxuuna ka dhigay lataliyaha gaarka ah ee madaxtooyada, ka dib isku shaandheen uu ku sameeyay ciidamada.

Gaashaanle Sare Muhoozi Kainerugaba, ayaa si xowli ah sare ugudhex dalacay ciidamada militariga dhexdooda dhowrkii sano ee la soo dhaafay.

Waxaa jiro hadallo la isla dhexmaraayo oo ah in loo diyaarinaayo inuu qabto xilka madaxweynaha ee Ugandha ka dib marka aabihiisa uu ka dego.

 Dadka falanqeeya siyaasaddda waxay sheegayaan in shaqada cusub ee loo dhiibay ee ah inuu ka shaqeeyo madaxtooyada ay sare u qaadeyso khibradiisa.

Museveni, oo 72 sano jir ah, waxa uu ka mid yahay madaxweynayaasha Afrika ee muddada dheer maamulka haya.

Isbedel dastuurka lagu sameeyay 2005tii oo meesha ka saarey xilliga xaddidan ee madaxweynaha ayaa Musevenu u saamaxay inuu mar shanaad madaxweyne noqdo.

Wuxuu awoodda la wareegay 1986-dii, ka dib markuu ku guuleystay shan sano oo dagaal sokeeye ah.

Sanadkii tagay ayuu mar shanaad ku guuleystay doorashada, wuxuuna helay boqolkiiba 60, codadkii la dhiibtay.

Gaashaanle Sare Muhoozi Kainerugaba, oo 42 sano jir ah, wuxuu maamulaya ciidamada sida gaarka ah u tababaran iyo ilaalada aabihii tan iyo sanadkii 2008dii.

Wuxuu ka soo baxay machadka militariga ee boqortooyada UK, sanadkii 2000. ka dib, 2016-kii ayaana laga dhigay Gaashaanle Sare.

COMMENTS
Latest News