Saxilnews.com
Madaxweynaha Dalka Gambia Oo War Cusub Soo Saarey Kuna Dhawaaqey …..
January 21, 2017 - Written by Abdisalaan Harir

Gambia (Saxilnews):- Madaxweynihii hore ee dalka Gambia, Yaxye Jammeh, ayaa ku

dhawaaqay inuu xilka isaga dagayo.

Mr Yaxye Jammeh oo dalkaasi madaxweyne ka ahaa 22 sano ayaa hadalkan ka jeediyay taleefishinka qaranka dalkaasi, isagoo sheegay in ay lagama maarmaan tahay in uusan daadan dhibic ka mid ah dhiiga shacabka Gambia.

 Horay ayuu u diiday inuu aqbalo natiijada doorashadii dalkaasi ka dhacday bishii Diseembar ee aynu ka soo gudubnay.

Talabadan ayaa timid iyadoo dhexdhexaadiyaal ka socda Galbeedka Qaarada Afrika ay sacadihii la soo dhaafay la kulmayeen Mr Yaxye Jammeh.

Dhexdhexaadiyaal ka socdo galbeedka Afrika ayaa dhowr saacadood la qaatay Mr Jammeh si ay ugu qanciyaan inuu xilka banneeyo, inkastoo Yaxya Jammeh uusan wax fahfaahin ah ka bixinin heshiiska la gaaray.

Ciidammada wadammada Galbeedka Afrika ayaa hakiyay qorshohoodii milateri inta laga soo gabagabeynayo kulankaasi.

Ciidammadaasi ayaa Khamiistii ka talaabay xuduudda Gambia, saacado yar un kaddib markii la dhaariyey madaxweynaha cusub ee Gambia Adama Barrow.

Waxaa lagu dhaariyey gudaha safaaradda Gambia ay ku leedahay dalka Senegal.

COMMENTS
Latest News