Saxilnews.com
Madaxweynaha Barcelona Ee Josep Maria Bartomeu Oo Ka Hadlay Xaqiiqada Wararka Sheegaya In Ay Dhamaystireen Saxiixa Antoine Griezmann
June 17, 2019 - Written by editor

Madaxweynaha Kooxda Barcelona ee Josep Maria Bartomeu ayaa ugu dambayn ka hadlay xaqiiqada wararka la xiriirinaya xiddiga kooxda Atletico Madrid ee Antoine Griezmann kaas oo si weyn loola xiriirinayo kooxda Barcelona.

Madaxweynaha Barcelona ee Josep Maria Bartomeu ayaa beeniyay wararka sheegaya in ay kooxda Barcelona la xidhiidhay xiddiga Atletico Madrid ee Antoine Griezmann si ay ula soo saxiixato.

Xiddiga reer France ayaa xaqiijiyay in uu isaga tagayo kooxda Atletico Madrid inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagan iyada oo Barcelona u muuqato meesha ay u badantahay in uu ku biiro.

“Waxa aan mar walba sheegnay, in aanan marnaba la hadlin isaga, ma jirnaa waxba”ayuu Madaxweynaha Barcelona u sheegay RAC 1.

“Waxa aan haatanba arkaynaa sida uu suuqu u korayo maalmahan iyo todobaadyadan”.

Hadalka ka soo yeedhay madaxweynaha Barcelona ee Josep Maria Bartomeu ayaa meesha ka saaraya wararkii uu Agaasimaha Atletico Madrid ugu xaqiijiyay in uu Griezmann ku biiri doono kooxda Barcelona xagaagan

COMMENTS
Latest News