Saxilnews.com
Madaxwayne Siilaanyo Oo Safar Sanqadh Yari Ah Saaka Suuqa Ugu Soo Baxay Isaga Oo Bilaa Gaadh Ah Iyo Goobaha Uu Soo Maray.
January 16, 2017 - Written by Abdisalaan Harir

Hargeysa(Saxilnews)Madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo oo inta badan aan la arag ayaa saaka si kadis ah ugu soo baxay goobo ka agdhow xarunta madaxtooyada Somaliland.

Madaxwaynaha oo sida dadkii goob jooga ahaa ay sheegeen aan wadan wax ilaalo ah isla markaana watay gaadiid leh taariikada shacabka ayaa waxa uu kormeer ku sameeyey Wasaaradaha Waxbarashada.Wasaarada Beeraha. Wasaarada Ciyaaraha Wasaarada Warfaafinta iyo Wasaarada Macdanta oo isku dhow dhamaantood kuwaasi oo xiliga uu madaxwaynuhu tagay aanu midkoodna joogin Masuuliyiintii uu u igmaday Xilkooda,lamana oga talaabada uu ka qaadi doono masuuliyiintan aan ka soo xaadirin shaqadoodii ee uu Mr Siilaanyo indhihiisa ku so arkay.

Madaxwaynaha ayaa sido kale waxa uu goob  Maqaaxi ah oo ka agdhow Wasaarada Beeraha Somaliland kala shaaheeyey dadwayne saaka subixii hore halkaasi ka shaahaynaayey,

Lama oga soo bixitaankan kadiska ah ee madaxwayne Siilaanyo waxa uu daarnaa hase yeeshee maalmihii ugu dambeeyey ayaa waxa qasnaa xaalada siyaasadeed ee Somaliland isaga oo madaxwayne Siilaanyo aamus ku qaabilay khilaafkii kala irdheeyey asxaabta siyaasada iyada oo dadka siyaasada indho indheeyaa ay sheegayaan in xaaladiisu caafimaad aynsa sax ahayn balse arinkan uu saaka sameeyey ayaa ah mid fariin uu u diraayo dadka aaminsan arintaasi

COMMENTS
Latest News