Saxilnews.com
Madaxwayne Siilaanyo Iyo Wafti Uu Hogaaminayo Oo Galabta La Filayo Inay U Baxaan Dalka Dibaddiisa Iyo Ujeedada Socdaalkooda Daaran Tahay
September 26, 2016 - Written by Abdisalaan Harir
Hargeysa(Saxilnews)-Wafti balaadhan oo uu hogaaminayo madaxwaynaha Somaliland mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilanayo ayaa la filayaa inay galabka dalka ka dhoofaan iyaga oo  usiii jeeda dalalka imaaraadka carabta iyo ingiriiska.

Madaxwaynaha ayaa waxa socdaalkiisa ku wehelinaya xubno ka mida golahiisa wasiirada iyo gudoomiyaha xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi.

Ujeedada socdaalka waftigan madaxwaynuhu hogaaminayo ayaa sida ilo xog ogaal ahi u sheegeen shabakada Ramaasnews waxay ku taxaluqdaa sidii ay dawlada ingiriiska ugala soo hadli lahaayeen go’aankii beesha caalamku ka qaateen dib u dhac ku yimaada doorashooyinka dalka iyo waliba go’aankii madaxwaynuhu ku kala qaaday labada doorasho ee wakiilada iyo madaxtooyada.

Waxaana madaxwaynuhu sida naloo sheegay kusii horeynayaa dalka imaaraadka carabta isaga oo kulamo kula yeelan doona magaalada Dubai masuuliyiinta dalkaasi,intaasi kadibna waxa ay waftigan usii dhaafayaan dalka Ingiriiska.

 

COMMENTS
Latest News