Saxilnews.com
MADAXWAYNAHA SOMALILAND OO DHAMBAAL TACSIYA UDIRAY EHELKII IYO SHACABKA SOMALILAND GEERIDA MARXUUM XUSEEN MAXAMUUD CAWAALE (GACMADHEERE)
March 22, 2015 - Written by admin

adaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu tacsi u dirayaa, Qoyskii, Ehelkii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo Shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariitee Marxuum Xuseen Maxamuud Cawaale (Gacmadheere) oo ku geeriyooday Maanta 22/03/2015, gobolka daadmadheedh, kana mid ahaa Odayaashii ka soo shaqeeyey nabadayntii iyo dib u dhiskii dalka, sidoo kalena ka mid ahaa ganacsatada dalka ee xoolaha dhoofiya.

Madaxweynuhu marxuumka waxa uu Alle uga baryayaa inuu naxariistii jannatu fardawsa ka waraabiyo, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga  Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

 

 

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)

Af-hayeenka Madaxtooyada  JSL.

 

COMMENTS
Latest News