Saxilnews.com
Madaxwaynaha Somaliland Ayaa Soo Gaadhay Xarunta Dhaqaalaha Somaliland Berbera + Sawiro
November 19, 2015 - Written by admin

Berbera (Saxilnews.com)-Madaxwaynaha jSL Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilanyo) Ayaa Manta Gelinkii Danbe Soo Gaadhay Xarunta Gobolka Saaxil Ee Berbera .

Madaxwaynaha Waxaa Socdaalkiisa Ku Wehelinayey Marwada Madaxwaynaha Somaliland Aamina Waris Iyo Wasiirka Maaliyada Somaliland Samsam Cabdi Aadan,Sidoo Kale Wasiir Kuxigeenka Warshadaha Somaliland Ilaa Hada Lama Shaacinin Ujeedada Socdaalka Madaxwaynaha Somaliland .

Balse Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Huseen Dayr Waxa Usheeay Inuu Socdaalkan Khaas Uyahay Madaxwaynaha Iyo Waftigiisa Isla Markana Uu Sugnaan Doono Maalmaha Soo Socada Magaalada Berbera

Balse Wararka Ayaa Sheegay Inuu Madaxwaynu Berbera Uyimi Sidii Uu Ula Kulmi Lahaa Wafti Kasocota Imaraadka Oo Maalmahanba Ku Sugnayd Berbera Oo Uu Horkacayey Wiilka Inanta Madaxwaynaha Qaba Ee Baashe Cumar, Kuwaasi Sadex Cisho Ka Hor Kasoo Degay Madaarka Magaalada Berbera ,

Waxa Kale Oo Warar Lagu Kalsoon Yahay Sheegayaan Inay Waftigan Carabta Ahi Usocdaan Arimo La Xidhiidha Maalgelinta Dekeda Berbera .Capture Capture.PNG1 Capture.PNG2 Capture.PNG3 Capture.PNG4 Capture.PNG5 Capture.PNG6 Capture.PNG7 Capture.PNG66

 

 

COMMENTS
Latest News