|
|||||
Saxilnews.com
Madaxwaynaha Somaliland Ayaa La Shiray Madax Dhaqmeedka Beelaha Dagaaladu Ku Dhex Mareen Qurilugud Iyo Buhoodle
March 2, 2015 - Written by adminHargaysa (Saxil News.com)-Dawladda Somaliland iyo Wax-garadka beelaha Qori-lugud iyo Buuhoodle,ayaa ka wada hadlay sidii loo soo af-jari lahaa shaqaaqo colaadeed oo ka soo cusboonatay deegaankaas.Kulanka lagaga wada arrinsanayay daminta shaqaaqo ka dhacday jiida u dhaaysa labadaas deegaan, ayaa shalay ku qabsoomay Qasiga Madaxtooyada Somaliland isla markaana uu guddoominayay Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ’Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan,cuqaasha labada beelood,salaadiin Wasiirro iyo wax garad kale.Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Somaliland oo Dawan uga warramay kulanka Madaxtooyada ayaa intaa ku daray in Dawladda Somaliland daminta colaadda labada beelood si dhakhso ah loo soo af-jarayo isla markaana laga wada hadlay sidii ergo miisaan culus oo ka hawl gala furdaaminta shaqaaqadaas loo diri lahaa, waxaanu intaa raaciyay in tallaabada ugu horraysa ee dawladda Somaliland ay arrintaa ka qaadanaysaa uu yahay soo af-jaridda shaqaaqadaas iyo nabadaynta labada beelood oo wax kasta laga horumarin doono hir-galinta nabadaynta labada beelood.Wasiir Cadamo oo ka hadlayay sida ay dawladdu uga xumaatay shaqaaqadan iyo dedaalka ay illaa imika qaaday,waxa uu yidhi “Arrintaasi waa dhibaato soo korodhay oo ka dhex dhacday laba beelood oo walaalo ah taasoo dib u soo cusboonaatay una baahan in balaayada halkaa ka dhacday aanay dib u dhicin ee halkeeda lagu damiyo laguna dhameeyo si taa loo sugana waxaa maanta (shalay) kulan qaran oo arrintan lagaga tashanayo lagu qabtay Qasriga Madaxtooyada Somaliland kulankaasoo uu guddoominayay Madaxweynuhu waxaana ka qayb galay Guddoomiyaha Golaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan,cuqaasha labada beelood salaadiin Wasiirro iyo wax garad kale oo reer Somaliland ah kana go,an tahay in shaqaaqada colaadeed halkeeda lagu damiyo wefti ergo nabadeed ah oo miisaan culusna loo diro.Arrintaasina Qaranka way ka go’an tahay in la soo af-jaro oo wax kasta laga horraysiiyo nabadaynta labada beelood ee walaalaha ah.”Wasiirka oo aanu weydiinay shaqaaqada deegaankaa ka dhacday ee qasaaraha nafeed iyo dhaawacba keentay in ay ahayd dagaal maleeshiyada nabad-diidka ahi ciidanka Qaranka ku oo qaaday iyo in ay ahayd dagaal beeleed labada beelood ee walaahaha ah dhex maray,ayaa ku jawaabay.“ma jiro mana dhicin dagaal ciidanka Qaranka iyo maleeshiyo dhex maray laakiin arrintu waxay ka hex dhacday labada beelood ee walaalaha ah ee isku deegaanka ah horena xaaladi way uga jirtay oo tii hore oo aan wali la dhamayn lagana wada boqsan ayay tanina dhacday,ciidanka Qarankuna maaha ciidan dadkiisa weerara laakiin dadkooga ayay caawiyaan oo ay u gar gaaraan oo ay cadawga ka jiraan laakiin dagaalkani laba beelood oo walaalo ah ayuu dhex maray qasaare dhimasho iyo dhaawacna wuu jiraa laakiin qaranku wuxuu ka qaatay go’aan cad dhakhsona way u dhamaanaysaa illaa la soo afjaro oo labada beelood ee walaalaha ah xal ddhab ah laga dhex haliyana laga jeesan maayo waanay ka go,antahay Madaxweynaha golayaasha qaranka madax dhaqameedka labada beelood iyo guud ahaan wax garadka iyo samadoonka Somaliland in colaadda halkaa ka jirta la soo gunaanado taana hawsheedii waa laga wada hadlay waana la gelayaa.”Wasiir Cadami oo aanu waydiinay goorta la filayo in ay baxaan ergada nabad doonka ah ee u kicitimaysa soo af-jaridda dirirta beelaha walaalaha ah,ayaa yidhi “Horta qaranka way ka go’an tahay in arrintaasi nabad ku soo dhammaato oo dhakhso loo soo gunaanado intaan jundi shaydaan meel kale ka soo duulay fidnadaa sii hurin qarankuna maanta(shalay) wuxuu ku joognaa oo laga wada hadlayay sidii xal kama dambays ah loogu dhamayn lahaa imikana wax lala sii sugaaba ma taallo oo xaaladu imika ayay taagan tahay, sidaa darteed imika ayaa dhakso loogu amba baxayaa qarankuna u kala hadhi maayo nabadaynta labada beelood oo ah mid qaranka ku waajib ah xilna ka saran yahay dagaal reer Somaliland wiil kaga dhintana maalintiisii lama joogo, laakiin shaydaanul insi dadka ka dhex shaqaynaya oo aanu wanaagu deeqin ayaa balaayada hurinteeda ku farxaya kana faa’iidaysanaya balse u ogolaan mayno in dadka walaalaha ah la isku dilo tanna shaydaan ayaa ka adeegay oo waa fidno fidnadana halkeeda ayaa lagu daminayaa insha allaahna way dhamaanaysaa oo halkaa innagu dhaafi mayso.”Wasiirka oo ka jawaabayay tallaabada ay hadda qaadayaan ee u furan, waxaanu yidhi “Horta wax kasta waxaa ka horreeya hir-galinta nabad gelyada waajibkayaga koowaadna waa in aanu dadkaa walaalaha ah ee dhibaatadu kala gaadhay isu keeno oo aanu nabad dhab ah dhexdooda ka dhex dhalino taasaana ugu horraysa markaan taa dhammayno ee horta nabad gelyada la wada qaato,ayaanu uga gudbaynaa wixii kale, dadku waa dad walaalo ah deegaan wadaag ah inan iyo abtigii ah xidid iyo xigaalba ah oo aan kala maarmin in colaadi ka dhex jirtaana maaha wax macquul ah.”
|
Latest News
|