Saxilnews.com
MADAXWAYNAHA DALKA KOONFUR AFRIKA OO SHEEGAY IN UU HALIS KU JIRO MUSTAQBALKA XISBIGA ANC
December 17, 2017 - Written by editor

Pretoria:-(saxilnews.com) Madaxwaynaha dalka Koonfur Afrika Jacob Zuma ayaa sheegay in mustaqbalka xisbiga ANC uu halis ku jiro.

Madaxwayne Zuma oo khudbad u jeediyay ergada ka qaybgalaysa kulanka xisbiga ayaa sheegay in khatar ugu way ee haysata xisbiga ay tahay kala qaybsanaanta gudaha xisbiga ka jirta.

Madaxwaynaha dalka Koonfur Afrika Jacob Zuma ayaa xusay in dad badan ay lumiyeen kalsoonidii ay xisbiga ANC ku qabeen.

Ergada xisbiga ANC ayaa lagu wadaa in ay doortaan hogaamiyaha xisbiga oo badali doona madaxwaynaha xilka haya Jacob Zuma .

Musharaxiinta ugu cadcad waxaa ka mid ah madaxwayna ku xigeenka Cyril Ramaphosa, iyo, Nkosazana Dlamini-Zuma,oo horey u ahaan jirtay wasiirka arrimaha dibadda .

Mr Zuma ayaa sii ahaan doona madaxwaynaha Koonfur Afrika ilaa laga gaaro doorashada sanada 2019.

COMMENTS
Latest News