Saxilnews.com
Madaxtooyadda Somaliland Oo Sawir Kaga Jawaabtay Warar Laga Baahiyey Xaaladda Caafimaad ee Madaxwayne Siilaanyo + Sawiro 
July 3, 2017 - Written by suxufi
Hargeysa (Saxilnews):- Madaxtooyada Somaliland ayaa sawir kaga jawaabtay wararhorraantii todobaadkan suuqa soo galay kuwaasoo sheegayay in xaaladda caafimaad ee Madaxwaynuhu aad u liidato.

Image may contain: 4 people, people sitting and indoor

Wararka ayaa sheegayay in Madaxwaynuhu caafimaad ahaan aanu wanaagsanayn balse aanu dhakhtar ku jirin, waxaana warkaas laga soo xigtay siyaasiyiin miisaan leh oo qaarkood xukuumadda ka tirsan yihiin, halka qaar kalena ay ahaayeen kuwo qasriga ku xidhan.

 

Hase yeeshee Madaxtooyada Somaliland ayaa warkaas kadib soo baahisay sawir muujinaya inuu Madaxwaynuhu caafimaad qabo, waxaana la soo bandhigay madaxwaynaha oo shir guddoominaya wasiirrada Imaaraadka ku sugan, iyadoo ciwaan loo dhigay “Madaxwaynaha oo dar-dargalinaya wasiirrada hawlaha shaqo Imaaraadka u jooga”.

Image may contain: 3 people, people sitting and indoor

Wasiirrada Madaxwaynaha la sawirnaa ayaa kala ahaa wasiirka arrimaha dibadda, Madaxtooyada, maaliyadda, xanaanada xoolaha iyo qorshaynta qaranka.

COMMENTS
Latest News