Saxilnews.com
Madaxtooyada Iyo Xisbiga Kulmiye Waxay Dalka Ka Hurinayaan Dagaalo Sokeeye Oo Dalka Ka Bilaabma Oo Doorashadana Dib Loogu Riixo Fariimahan Sharaysan”Mujaahid Boobe
December 5, 2015 - Written by admin

Hargeysa (Saxilnews.com)_Xog-hayaha Warfaafinta Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Mujaahid C/raxmaan Yusuf Ducaale(Boobe),ayaa markii ugu horeysay ka haddlay dhacdadii ka dhacday magaalada Gabiley ee calanka Xisbiga WADDANI Eyga loogu xidhay,taas oo uu ku eedeeyey inay ka dambeeyey xukuumadda iyo xisbiga KULMIYE & dowlada hoose ee magaalada Gabiley, mujaahid boobe yuusuf ducaale waxaa uu  hadalkiis ku bilaabay sidan:-

 

‘Hadal haynta xisbiga waddani ee maalmahani waxay u badnayd barnaamijkii qabyada ahaa sidii loo qayo-tirilahaa anagoo gudo iyo dibadba ku baahinay oo xataa xisbiyada mucaarika ah gaadhisiinay madaxtooyada iyo xarumaha xisbiga kulmiyena hadalhyntoodu maalmahan waxay ahayd inay ku guulaysteen inay EY u xidhaan calanka waddani intaa waxaa raacaya halku dhigyadii ay dadka lacagta ugu laabeen ee ahaa waddani gabiilay ma iman karo iyo wax lamida waxaana hubaal ah inay hawshaasi galeen oo ay ka danbeeyeen sadexanka isku raranka ah ee aan la mahadin ee ah xisbiga kulmiye, xukuumada iyo dawlada hoose ee gabilay dheecaankii wadhatada laga soo nuugay ayaa qorshayaashaa dhagareed lagu maal galinaayay ceebtood maaha ee waa caadadood,,Ayuu yidhi Mj Boobe

Mujaahid boobe oo haddalkiisa sii wata ayaa yidhi‘’Daliilkeedu wuxu yahay waxaa baryo dhawayd marag iyo markhatiba ka ahayn xubno xukuumada ka socday oo wajaale daahir yaa shamis ka lahaa tog-wajaale waanu jecelahay oo waa halkii xisbiga UDUB calakiisa EYga loogu xidhay , daliil kalena wuxuu yahay ilaa maantadaa aynu joogno ma hayno dawlda dhexe,kulmiye ,boolis,maxakamad iyo cidkale oo oo arintaa ka fal celisa.”Ayuu yidhi Mujaahid Boobe

Mujaahid boobe ayaa xukuumadda Siilaanyo ku eedeeyey inay dagaalo sokooye hurinayso, taas oo ay ugu dan leedahay inay doorashada dib ugu dhigto‘’sadexda xisbi meel walba oo dalka ahba way tagi karaan way ka hadli karaan oo way iska sharaxi karaan waa xeer iyo xaagaan oo dalka iyo dagmooyinkuba uma xidhna xisbiga kulmiye fariimaha caynkan ah madaxtooyada iyo xisbiga kulmiye waxay ku hurinayaan dagaalo sokeeye oo dalka ka bilaabma oo doorashadana dib loogu riixo fariimahan sharaysan, xajiimaysan ee xanafta leh ee doolarka lagu laabayaa waxay horsed u yihiin in dalku kala go’go oo qoloba meel sheegato sidaasna xisbinimadu ku baa’bado’’ayuu yidhi

Gebegebadii mujaahid Boobe ayaa haddalkiisa ku soo afmeeray “hadaba xukuumada iimaanka daran ee miyi iyo magaaloba murdisay waxa ku filaa in ay soo bandhigto wax qabadkeedii todobada sano oo ay ku ladho balanqaadkale waana fursad aanaan helin anagu oo ay na dheeryihiin, dhaqan xumada iyo balan darada reer gabiilay umay dhalan ee waxaa baday xukuumadan abaalka daran ee dhaqan ka suuban iyo akhlaaqiyaadka diineedba ka aradan ee kiishkii cawaale sheegayay ee aan buuxsamayn sidata kaas oo ilaa London dabadiisu joogto gaariye miyanuu odhan ( dhurwaaga ciyaaya cabaadku nafweeye,cadceed galabeedku godkay cidhif joogto danbay ugu ciiri ) anana waxaanu leenahay oo way ku ciirtay oo maalintii uu yidhi isma soo sharaxaayo maalintaas ayaa ugu danbaysay dalkan kulmiye iyo xukuumdan oo waa wax bari hore jiray’’

Isku soo wada duuboo waxaa uu mujaahid Boobe Yuusuf Ducaale xukuumda madaxwayne siilaanyo ku eedeeyay in ay dalka khalkhal ku wado si ay dagaalo sokeeye uga bilaabmaan oo ka dibna ay  doorashada ay galayaan ay dib u dhacdo

 

 

SAXILNEWS005@GMAIL.COM

 

 

COMMENTS
Latest News