Saxilnews.com
Madaxii Amniyaadka Ururka Al-Shabaab Ee Muqdisho Oo La Qabtay Iyo Dawlada Somaliya Oo Ka Hadashey
June 20, 2017 - Written by suxufi
Moqdisho (Saxilnews):- Dawladda Soomaaliya ayaa maanta shaaca ka qaaday in ciidamada amniga ayhowlgal ay ka sameeyeeen suuqa bakaaraha ee Muqidsho ay ku qabteen madaxii Amniyaadka Kooxda Al-Shabaab ee gobolka Banaadir C/Wahaab Khaliif Axmed oo loo yaqaan (Ciise Tarabuun).

 

Bayaan kasoo baxay wasiirka Amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaale ayuu ku sheegay in howlgalkan uu ahaa mid qorsheysan islamarkaana uu dhacay maanta.

 

“Waxaa maanta qabanay C/Wahaab Khaliif Axmed oo loo yaqaan (Ciise Tarabuun) oo dhibaatooyinkii ka dhacayay caasimadda masuuliyadeeda lahaa, hadda wuxuu ku jiraa gacanta dawladda oo caddaaladda ayaa la horgeynayaa” ayuu yidhi wasiirka Amnigu

Wasiir Ducaale ayaa sheegay in howlgalka maanta uu qeyb ka yahay howlgallo dhowrkii bilood ee la soo dhaafay socday oo lagu xasilinayo amniga caasimadda.

 

COMMENTS
Latest News