Saxilnews.com
MADAX DHAQAMEED WELI HARGEYSA KU XIDHAN, EEDAHA LOO HAYSTO IYO QORSHAHA XUKUUMADU LA DAMACSAN TAHAY
September 27, 2015 - Written by admin

Hargeysa ( saxilnews) – Boqor Raabi Yuusuf Cabdilaahi iyo Suldaan Mawliid Sabayse ayaa weli u xidhan xukuumada, ka dib markii lagu soo eedeeyay in ay weedho ka dhan ah xukuumada warbaahinta soo mariyeen.

xukuumadda oo dhawr jeer oo hore warbaahinta u warantay xadhiga labadaas masuul oo ka tirsan madax dhaqameedka somaliland ayaa sheegtay in ay ka soo talaabeen xayndaabkii dhaqanka.

wasiir xigeenka arrimaha gudaha somaliland Axmed Faarax Cadare ayaa mudeeyay wakhtiga maxakamada la horkeeni doono madaxdhaqameedkan “Salaadiinta Xidhan waxa sharciga la horkeenayaa marka Ciidu inaga baxdo, markaas ayaa wixii shqo ah ee u taallaa la geli doonaa” ayuu yidhi Wasiir ku xigeenka Daakhiliga Mr Caddare.

 

 

 

 

saxilnews005@gmail.com

COMMENTS
Latest News