Saxilnews.com
Maayarka Hargeysa Oo Shaqadii Loo Diray Kaga Mashquulay Mashxarada Masuulyiinta Xukuumada , Fashil Saaka Soo Waajahay + Cabdiraxmaan Saylici Oo Ka Cadhoodey .
March 23, 2017 - Written by suxufi

 

Hargeysa (Saxilnews):- Maayarka caasimada Hargeysa Cabdiraxmaan Ceydiid Solteco ayaa waxaa uu umuuqda masuul shaqadii loo diray kaga mashquulay u guul wadeynta ama Mashxarada masuulyiinta xukuumada

 

Waxaa ay aheyd abaaro 6:00 subaxnimo ee saaka markii ay madaarka Hargeysa ka soo dageen waftigii Somaliland u saxeexay heshiiska saldhiga Ciidan ee Berbera laga siiyey dawlada Imaaradka .

 

Waftiga oo qadar kooban oo nasasho ah ku qaatey madaarka Hargeysa ayaa waxaa diqiiqado kooban ka dib goobta si kadis ah orod ku soo galay maayarka Hargeysa Cabdiraxmaan Solteco , waxaana waftiga oo uu madaxweyne ku xigeenku hogaaminaayey uu ku war galiyey in muddo kooban ay halkaasi sii joogan si ay afaafka madaarka u soo gaadhaan dadweynaha xaafadaha kala duwan ee caasimada oo uu sheegay in uu u sii diyaariyey oo ay soo dhaweyn doonan

Markii in muddo ah oo aan ka yareen 40 daqiiqo uu waftigu halkaasi ku sugnaa waxaa ay la hadleen warbaahinta isla markaana waa ay ka soo baxeen madaarka , waxaana soo hor kacay masuulyiin uu hogaaminaayo Mayaar Solteco.

Waftigu markii uu soo gaadhey afaafka madaarka waxaa hal mar qudha goobta laga waayey dadkii uu Solteco sheegay in ay xaafaha Hargeysa ka kala yimaden oo ay soo dhaweynayaan , isla markaana in muddo ah iyaga dartood loo xanibnaa si ay goobta u yimadeen balse noqtey mid lagu fashilmay

Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland ayaa la sheegay in uu isagu arintaasi si xun uga cadhoodey isla markaana cadho darteed madaxtooyada ku dhaafey iyada oo ay madaxtooyada ugu sii diyaarsanayeen roog cas iyo bulsho ku soo dhaweyn laheyd oo ku hungowdey soo dhaweyntaas isla markaana iska kala dareeray markii uu madaxweyne ku xigeenku iska dhaafay goobtii ay ku sugayeen

COMMENTS
Latest News