Saxilnews.com
TRUMP OO WARGEYSKA NEW YORK TIMES KU EEDEEYEY IN UU FASHILIYEY QORSHE LAGU DILI LAHAA AMIIRKA DAACISH –
July 24, 2017 - Written by Faysal Aadan

Washington(saxilnews.com)-Madaxweynaha Maraykanka Donald Trumo ayaa sabtidii shalay wargeyska New York Times ee dalkiisa ka soo baxa ku eedeeyey in uu fashiliyey iskuday uu Maraykanku doonayey in uu ku dilo hoggaamiyaha ururka Dawladda Islaamiga ah, Abu Bakar Al-Baqdaadi.

 

Trump ayaa boggiisa Twitter-ka ku qoray farriin u dhigan sidan, “New York Times-ta fashilan ayaa burburisay iskuday uu Maraykanku ku dili lahaa argagaxiyaha la raadinayo ee Al-Baqdaadi” Waxa aanu Trump arrintaas ku tilmaamay in ay tusaale u tahay in wargeysku uu leeyahay anjendayaal dhaawacaya amniga Qaranka.

Waxaa muuqata in madaxweyne Trump uu dabasocdo hadallo uu jeediyey janaraalka Maraykan ee Tony Tomas oo mar uu shirjaraa’id ku qabtay magaalada Asbin ee gobalka Kolaraado xaqiijiyey in ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Maraykanku ay sannadkii 2015 ku sigteen in ay dilaan Baqdaadi, laakiin mar keliya uun ay waayeen raadkii ay ku joogeen, kadib markii warbaahinta qaar warkan ka sheekeeyeen. Tomas waxaa hadalladiisa ka mid ahaa, “Waxa uu ahaa horumar aad u fiican, laakiin waxaa wax laga xumaado ah in arrintii lagu fashiliyo wargeys weyn oo wadaniya, taasina keentay in horumarkii laga samaynayey gaadhista Baqdaadi uu noqdo mid aan faa’ido keenin” Janaraal Tomas oo sii waday hadalkaas uu warbaahinta siiyey ayaa yidhi, “Waa lama huraan in dadka Maraykan la ogeysiiyo waxa aan samaynayno, laakiin haddana waxaa lagama maarmaan ah in la garto waxa caqabadda weyn ku noqon kara awooddayada gudashada waajibaadkayaga shaqo”

Wargeyska New York Times ayaa bishii Lixaad ee sannadkii 2015 waxa uu faafiyey maqaal uu ku sheegay in ciidamada Maraykanku ay gacanta ku dhigeen xogo aad u badan oo si faahfaahsan u sharraxaya sida uu isu qariyo hoggaamiyaha DAACISH. Waxa uu maqaalku si gaar ah u sheegay in hoggaamiyeyaasha kooxda DAACISH ay dumar u adeegsadaan isgaadhsiinta iyo isu gudbinta dhambaallada ay ku xidhiidhayaan.

New York Times ayaa war ay qortay isla sabtidii shalay, markii uu madaxweyne Trump warkan ku faafiyey Twitter-ka waxa ay dalbatay in la caddeeyo waxa looga jeedo farriintan.

Wargeysku waxa uu warkiisan ku yidhi, “Haddii uu madaxweynuhu u jeedo maqaal wargeyska ku soo baxay sannadkii 2015, waxa aanu u sheegaynaa in aanay wasaaradda gaashaandhigga ee warkani khuseeyey wax cabasho ah xilligaas u soo gudbin wasaaradda, sida oo kalana illaa hadda aanay wax cabasho ah oo arrintaas la xidhiidhaa ka iman masuuliyiinta Maraykanka”

Ma’aha markii ugu horreysay ee madaxweyne Trump uu weerar ku qaado wargeyska New York Times, waxaa iyaguna la mid ah Talefishanka CNN iyo wargeyska Washington Post, laakiin arrinta cusub ayaa ah in hadalkan madaxweynaha ee ku saabsan New York Times uu yimid xilli uu toddobaadkan uun waraysi gaar ah oo aad u dheer siiyey wargeyska.

Dhinaca kalana wasiirka difaaca ee Maraykanka James Mattes ayaa jimcihii sheegay in uu aaminsan yahay in hoggaamiyaha Daacish Abu Bakar Al-Baqdaadi uu weli nool yahay, iyada oo uu horena masuul kale oo ka tirsan waaxda la dagaallanka argagaxisada ee Maraykanku u sheegay in aanu haynin wax caddaynaya in hoggaamiyaha DAACISH la dilay. Masuuliyiin Ruush ah iyo kuwo dalka Iiraan ka soo jeedaa ayaa muddooyinkii dambe ku celcelinayey in diyaaradaha dagaalka ee Ruushku ay duqayn ku dileen Baqdaadi. Ururka Daacish ayaan isaguna dhinaciisa weli waxba ka odhan wararka iska hor imanaya ee ku aaddan nolosha hoggaamiyihiisa.

COMMENTS
Latest News