Saxilnews.com
Maamulka Sare Ee Shirkadda Dp World Oo Shaqaalaha Dekeda Berbera Uqeybiyay Foomam Qabiiladooda Ay Kusoo Qorayaan Iyo Shaqaalaha Isku Qabiilka Noqda Oo La Yaraynayo+Qorshaha Oo Madaxtooyada Laga Soo Maleegay
August 1, 2017 - Written by admin
Shirkadda Dp World Ee Maamusha Dekadda Berbera Oo Shaqalahii ay la Wareegtay u qaybisey Waraaqo Walaac Iyo Shaki galiyey+Nuxurka Ay Xambaarsan yihiin.

Shirkadda Dp World Ee Dhawaan Xukumada Madaxweyne Axmed Silaanyo Ay Ku Wareejisay Maamulka Iyo Gacan ku Haynta Dekadda Berbera Ayaa Todobaadkan Aynu ku Jirno u qaybiyey Shaqaalahoodii Ay Hore Dekadda ugu la wareegeen Waraaqo ,

 

Waraqahaasi Oo ah Foom Ay Shirkada Dp world Berbera ugu talo galeen iney ku Helaan Ama ay ku ogadaan Xogta Shaqaalaha Qaraabada ama Ehelka ah Ee ka Shaqeeya Marsada Berbera, Foomkaasi oo walaac xoogan ku abuurey Dhamaan shaqaale weynaha Dekada Berbera islamarkaasina Shaki ku abuurey, iyagoo ka go’aan qaadan’la ujeedada ka Dambeysa Ee bixinta Foomkan Ay u qaybiyeen shaqaalaha, waxaaney talaabadani shakiga galisey Shaqaalaha ay ku soo beegantay Xili Dhawaan Shirkadu Ay Dhimis ku Sameyeen Shaqaale ku dhaw 70 qof Oo ay ku Sababeyeen inay Hawlgab yihiin islamarkaasina ay u diyaarisey Xaqoodii ku Waajibey mudadii ay gacanta ku haysay Maamulka Dekadda,balse sida la ii Xaqiijiyey Weli kasii Shaqeynaya Dekadda kadib markii ay Cabashadoodu gaadhey Madaxtooyada Somaliland Sidoo kale ay Sababi gaadhey Kacdoon Dambe Oo Ka Qarxa Berbera.

Foomkan Magaca iyo Qabiilka shaqaalaha Lagu buuxinayo ayaa loo qaadan karaa inuu Yahay Qorshe Xukumada Talada haysa ee Madaxtooyadu soo diyaarisay kaas oo la doonayo in Laguy dhimo shaqaalaha Kasoo jeeda Beesha Gobolka Saaxil ee Dekeda Berbera ka hawlgala ee la daiska ah kulaylka iyo hanfiga xagaaga waxaana laga yaabaa in maalmaha soo socda kacdoon shaqaale iyo mid bulsho oo ishuwani kadhaco magaalada Berbera iyada oo hadana laga dareemo magaalada Berbera dhaqdhaqaaq la xidhiidha kacdoonkaas,

COMMENTS
Latest News