Saxilnews.com
Maamulka Sare Ee Shirkada Dp World Oo Qoraalo Is Burinaya Kasoo Saaray Gubashadii Labada Koonteenar Ee Dekeda Berbera Yaalay
July 3, 2017 - Written by admin

Berbera (Saxilnews.com)-Shirkada Dp Wolrd Ayaa Lacag ganaax iyo Khasaare Isugu Jira Ku Qasirtay Wakiilka   Labadaa Koonteenar Ee Gubtay,  Maxaxmed Xasan Qaalib , Kadib Markii Labo Koonteenar  Ee Uu wakiilka u Ahaa   Dab Kaga  Qarxay Dekada Berbera Gudaheeda Kuwaasoo Sida Shirkada DP World Aay Sheegayso Khasaare Ku Keenay Dekada Berbera, Waxaanay Amar Culus Dul Saartay  Wakiilkaa  Labadaa Koonteenar   Illaa Aay Bixiyaan Lacag Dhan $145,000  oo Doolar,

 

Hadaba  Waxaa   Is Maandhaafsan Qoraal Uu warbaahinta Ugu Talo Galay Xisaabiyaha Guud Ee Shirkada Dp World IIMAAN YUUSUF IIMAAN  Oo Uu   Ku Sheegay In Aan Wax Khasaare Ahi Aanu Ka  Dhicin  Dekada Berbera , Koonteenarka Gubtay Mooyaane, Halka Uu Hadana Qoraal kale  Uu   Ganaax  iyo Magdhow  iyo Khasaare Dul Dhigay wakuulkii Labadaa Koonteenar,

Tan Iyo Intii Shirkada Dp World La wareegaty Mamulka Dekada Berbera waxaa Hoos Usii Dhacaayay Adeega Aay U Fidiso Ganacsatada Isticmaala Ee Macamiisha U ah Dekada Berbera,

Maanta Badi Qalabkii Wax Rogi Jiray Ee Loo Yaqaal Kaalmarada iyo Boos ta Way Fadhiyaan Dayac Tir La,aan , Shaqaalihii Dekada Berbera Ma Hayaan Wax Moorala Oo aay Kula Shaqeeyaan Shirkadan Waayo Mushahar Aay Ku Xisaabtamaan oo Meel Yaalaa ma Jiro, Bil walba Waxay Doonto Ayaay Siisaa , Shaqaalahan Ayaa Wel Wel iyo Walac Ku Shaqo taga,

Xukuumada Sare Ee Somaliland Ayaad Moodaa In Aay Dhegaha ka Furaysanayso Cabashada Ganacsatada iyo waliba Shaqaalaha, Dekada Berbera,

 

HALKAN HOOSE KA AKHRI LABADA QORAAL EE IS BURINAYA EE XISABIYAHA SHIRKADA DP WORLD  IMAAM  YUUSUF IIMAAN  KU SAXEEXAN YAHAY,EE UU GANACSATADA CULAYSKA KU SAARAYO IYO HADALKII MAAREEYAHA DEKADA BERBERA QAYBTA SOMALILANTA OO CADEEYNAYA IN AAN KHASARE DHICIN MARKA  LAGA REEBO KOONTEENARKAA WIXII KU JIRAY OO GUBTAY MOOYAANE,

Date: June 29, 2017Ku:
Dhammaan Saxaafada Somaliland.
UJEEDO: Warbixin Konteynarkii ku gubtay Dekedda

Berbera.Waxaanu halkan idiin ku soo gudbinaynaa Warbixin ku saabsan kontaynar ku gubtay maanta Abaaro 11:00-am Duhurnimo, Taariikhduna ahayd 27, June 2017, kontaynar kaasoo ay ku jireen Walxo Kiimiko ah kuwaasi oon loo soo yeelin wax calaamad ah oo muujinaysa khatarnimada shixnada kontiinarkaasi ku jirta sida uu dhigaayo xeerka calamiga ah ee shixnadaha khatarta ah ee la mariyo marin badeedada (international maritime dangerous good code).

Hadaba ganacsadaha konteynarkan lahaa wuxuu ka been sheegay Manifeska konteynarkan oo uu walxaha ku jiray uu magac kale u bixiyay amaba ku sheegay

Kontaynarkan maanta qarxay wuxuu ahaa hadhaagii kasoo hadhay qaraxii kontanarkii hore ee dekada hore qarax u sababay 18 June, 2017 oo meel cidlo ah la dhigay taasi oo dekeda ka baxsan.Waxa wali socota baadhitaan Shirkada DP World Berbera iyo Ciidanka CID iyo booliska degmada Saaxil ay ku wadaan ganacsadihii alaabta lahaa iyo Xaqiiqda nooca Kiimiko ah ee konteynarka ku jiray.

Shirkada DP World waxay caddaynaysaa inaanu jirin wax dhibaato Maal iyo Naf ah oo soo gaadhay shaqaalaha dekedda iyo dhamaan badeecadihii kale ee dekedda yaalay laguna guulaystay in lasoo afjaro qiiqii iyo qaraxii konteynarkaas, islamarkaasna dhamaan shaqadii dekedu ay u socoto sidii caadiga ahayd.

COMMENTS
Latest News