Saxilnews.com
Maamulka Puntland Oo Saaka Dil Toogasho Ah Ku Fuliyey Dhalinyaro Lagu Eedeeyey In Ay Ka Tirsan Yahiin Al-Shabaab + Tiradooda 
April 8, 2017 - Written by Saki Adam Suxufi

 

Boosaaso (SaxilNews):- Wararka aanu ka helayno imaanaya magaalada Boosaaso ayaa sheegaya inMaxkamadda Ciidamada Puntland ay saaka dil toogasho ah ku fulisay 5 dhalinyaro lagu eedeeyay inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab.

Related image

Dhalinyaradan dilka lagu fuliyay ayaa horay Maxkamadu ay dil ugu xukuntay, waxaana lagu soo eedeeyay inay ka dambeeyeen dilalka Mas’uuliyiin ka tirsanaa Maamulka Puntland.

Guddoomiyaha Maxkamadda ciidamada Puntland Col. C/fataax Xaaji Aadan ayaa sheegay in 5-ta dhalinyaro lagu toogtay fagaare ku yaal duleedka Boosaaso.

Xukunka dilkan ayaa markii hore waxaa uu dhaliyay muran, kaddib markii odayaal ku sugan Boosaaso ay ku tilmaameen cadaalad darro, isla markaana dhalinyarada qaar loo geystay jidh dil

Maamulka Puntland ayaa xabsiyadeeda waxaa ku jira dhalinyaro badan oo lagu eedeeyay inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab, kuwaasoo badankood lagu soo qabtay dagaalo bishii la soo dhaafay ka dhacay Gobolada Mudug iyo Nugaal oo Al-Shabaab

COMMENTS
Latest News