Saxilnews.com
Maamulka Degmada God-wayn Ayaa Shakhsiyada Ugu Firfircoon U Aqoonsaday Gudoomiyaha Waxbarashada Gobolka Saaxil Abaalmarino Qaaliyana Gudoonsiyey
September 5, 2016 - Written by admin

God-wayn (Saxilnews.com)-Maamulka Degmada God-wayn ayaa shahaado sharaf ku maamusay gudoomiyaha Waxabarashada Ee Gobolka Saaxil Ibraahim Digaale Maxamed

Kadib markii Gudoomiyaha waxbarashadu kaalin mug leh ka qaatay kor uqaadista iyo dhamaystirka adeegyada waxbarashada ee degmadaasi iyo degmooyinka guud ee goboolka saaxil

Munaasibad maalintii shalay ahayd lagu qabtay xarunta Degmadaasi ayaa waxaa kazoo qayglay wasiiro Agaasimayaal Iyo Madaxda Gobolka Saaxil taasi oo lagu maamusay aradaydii ugu horaysay ee ka baxda Dugsiga Lixle Secondry School ee magaalada God-wayn

Gudoomiyaha Degmadaasi Cabdilaahi Cabdi Cali ayaa sheegay inay guud ahaanba hana-qaaday waxbarashada gobolka saaxil ee gaar ahaana Deeganada godwayn waxa uu intaasi ku daray amaan iyo boogadin usoo jeediyey maamulka waxbarashada gobolka gaar ahaana hogaanka waxbarashada Digaale waxaanu ku sifeeyey shakhsiyada ugu waxqabadka badan isku-duwayaasha ka hawlgala Guud ahaanba Gobolka

Gudoonka waxbarashada Gobolka Saaxil ayaa kaalin muuqata ka gala hawlaha shaqo ee ay uqaaabilsan yihiin qaranka Somaliland gaar ahaana maamul daadajinta iyo fidinka waxbarashada dalka waxayna kaalin mug leh oo cid waliba ka markhaati kici karto ay ka qaataan helitaanka waxbarashada iyo daboolida baahiyaha ka jira deeganada aanay waxbarashadu gaadhin ee Gobolka Saaxil

Gudoomiyaha waxbarashada Gobolka Saaxil Ibraahim Digaal (Gudhac) waa Shakhsiyada hogaamisa waxbarashada Hana qaaday ee Gobolka waxayna fuliyaan olole Xoogan oo Dhibada loogu aasayo jahliga oofeyey bulshada taagta Darane ku dhaqan dhulka saxaraha uu eekaha xeebaha bariga iyo Galbeedka Berbera taasi oo heer gobol,degmo iyo tuulo gaadhsiiyey helintaanka adeegyada asaasiga ah ee waxbarasho ,wallow ay jiraan dhibaatooyin kooban oo hakiya hirgelinta waxbarasho ee degaanada Sida Roobabka oo dumiya iyo waxyeelaya iskuulada iyo goobaha waxbarasho hase ahaatee waxay ku dadaalan inay dhamaystiraan wixii karaankooda ah

Gudoomiyaha ayaa sidoo kale degaanadaasi ka hirgeliyaan arimo la xidhiidha wacyigelinta Bulshada sidii ay ubadkooda u keeni lahayeen goobaha waxbarasho

Wasaarada waxbarashada gobolka saaxil ayaa ka mid ah wasaaradaha ugu shaqada badan guud ahaanba dalka waxayna hirgrliyeen iyagoo kaashanaya haayadaha la shaqeeya dhismiyaal Dugsiyo cusub (New Schools) iyo sidoo kale dib udhiska dugsiyo waxyeelo ay soogaadhan kuwo kalena aan waxba laga qaban tan iyo wakhtigii aynu dalka kusoo laabanay sidii Dugsiga (Ex Bursade Secondry School Berbera ) iyo kuwo kale

Waxay sidoo kale hirgeliyeen dugsiyo sare oo laga dhisay degmooyinka Gobolka saaxil iyo Tuulooyin Hoos yimaada

guulahaasi waxbarasho ayaa dhamaantood hirgalay tan iyo mudadii uu xilkaasi hogaaminayey Gudoomiyaha Waxbarashada Ee Gobolka Saaxil Ibraahim Digaal intaasi kuma soo koobi karno waxyaabaha laga qabtay dhinaca waxbarashada

hase ahaate qoraalkani kooban ayaanu usoo qaadanay dhiirigelinta masuulkaasi daacada ah waana waajib in la tageero lana xuso qofkii umada wax muuqda u qabta waxaan kusoo afmeeri lahaa qoraakani

Tageer Oo Tilmaam Walaalkaga umada wax u qabto

Lasoco maqaalo kooban oo ay ku eegi doono waxqabadka madaxda haayadaha laamaha dawlada .

Mukhtaar A.Maxamuud

 

COMMENTS
Latest News