Saxilnews.com
MAAMULADA GOLAYAASHA DEEGAANKA KUWEEBAA SHAQO SIIYEY ARDEYDA JAAMACADAHA EE DEGMOOYINKA MIISAANAYADAHOODU SAFKA HORE YIHIIN?(FAALLO)Q3
February 7, 2018 - Written by editor

Hargeysa(saxilnews.com)-Shaqo abuurka iyo dhiiragalinta, dhalinyarada Somaliland, ee ay Waajibka tahey in ay shaqo ka helaan dalkooda kadib marka ay dhameystaan, heerarkooda Waxbarasho sida  aqoonta Dugsiyadda Sare oo aan ka madnuuceyn, Shaqooyinka D/hoose ee Maamulka Xafiisyadda iyo wixii soo raaca kuwa aan awoodin in ay Waxbarashadooda kusii wataan ilaa heer jaamacadeed inkastoo,ay wakhtigan u badan yihiin dhalinyarada da,yarta ah ee dalka wax ka bartaa amaba jecel Waxbarashadu, in ay lama huraan u tahey in ay duruuf kasta,oo ay ku mutaan soo dhameystaan heerka Jaamacadeed ee kobcinta aqoontooda.

Haddaba D/hoose ee Dalka, oo marka la tixraaco sida sharacigu dhigayo looga baahan yahey,in ay dalbadaan hadba kaalinta ka banaanaata kadibna Imtixaan laga qaado,sidaana ku buuxiyaan Shaqooyinka, u baahan in loo qaato Ardeyda
Jaamacadaha iyo kuwa shahaadada Dugsiyada Sare heysta waxa jira xiligan, in ay talaabadan ku kala duwan yihiin Maamulada Golayaasha Deegaanada Dalka gaar ahaana Degmooyinka Miisaaniyadahoodu safka hore yihiin Guud ahaanba Degmooyinka iyo Gobolada  Tusaale, ahaana kuwii aynu kusoo xusney Qormadda Labaad ee Mawduucan oo ay kamid yihiin Degmada Hargeysa ee Caasimada Somaliland,Degmada Berbera,Degmada Burco, iyo Degmada Gabiley.Degmada Hargeysa,inta laga War qabo mudadii Golahan Deegaanka ee Wakhtigani joogey Waxa u qabsoomey, Waxyaabo fara badan oo dhinaca Arimaha Bulshada la xidhiidha, ama hay,ado haka caawiyaan ama iyagu dakhligooda Miisaaniyadeed ha galiyaane, ama dadweynuhu haka ka qeyb qaataane(Contropution) khusuusan dhismaha jidadka Caasimada Gudaheeda, hase yeeshee dhibaatada ugu badan ee haysata waxa weeyi, dadweynaha oo aan ka warqabin waxa ay qabteen Golahani sababtoo ah Maayarka Caasimada ayaan aqoon sidii uu Shacbiga ugu Sheegi lahaa waxa u qabsoomey, dhinacyo badan marka laga eego waxeynu kusoo qaadan doonaa Qormooyinka Dambe haseyeeshee, aynu isku dultaagno Degmada ugu badan ee Shanta Sanadood iyo laba bilood ee Golayaasha Deegaanada dalka Somaliland shacabkii soo doortey, masuuliyadda u hayeen,Degmada Maamulkeeda Golaha Deegaanku shaqo abuur u sameeyay qaar kamid ah Ardeydii,ka baxey Dugsiyadda Sare ee ay Jaamacadaha ka dabareen taas oo ah Degmada Berbera oo inta ay uga waayaan shaqo gudaha Magaalada ah ama D/hoose kala baadi doona, meelo badan halka in badan oo kamid ahina fursad ka heleen, shaqaalaha D/hoose ee Degmadaasi, arintani waxey kordhisey rajada iyo yidiidlada iyo waliba Deganaanshaha ay ku negaadeen Magaalada kumanaan kamid ah Ardeyda Xiligan wax ka barta Dugsiyadda iyo Jaamacaduhuba.

“Dadku Sabankan Waxey u badan yihiin,in ay Arimaha Waaqiciga ah ee loo baahan yahey in ay Runta ka Sheegaan,aaney uga hadal sida dhabta ah laakiin, ay uga hadlaan amaba uga warwareegaan in ay ku saleeyaan dano gaar ah ama in ay cid taageersan yihiin, ama aaney taageersaneyn, oo ay wax kasta oo la qabto oo Wanaagsan uga soo horjeestaan, Aniga oo ah Axmed Abokor Maxamed(Cawke),oo kamid ahaa shaqaalihii u horeeyay ee D/hoose Degmada Berbera kana soo shaqeeyay 24 sanadood Waxaan doonayaa inaan, sidaa lilaahida ah ee aad wax iiga weydiiseen, Maamulka Golaha Deegaanka Berbera iyo isbadelada mudadii ay xilka hayeen, inaan waaqiciga dhabta ah iyo xaqiiqda uga hadlo, Maayarka Berbera ee Xiligan Cabdishakuur iyo Golahan uu hogaaminayo ee Berbera waakii ugu Waxqabadka badnaa, ee soo mara Degmadan dakhliga soo gala D/hoosena boqolkiiba Sagaashan waxa uu dib ugu noqdaa Degmada, taas oo aan Xogogaal u ahey waa Maamulkii u horeeyay ee dib-udajin iyo dib u dhis ku sameeya shacabka, Tusaale ahaan in badan ayaan kasoo shaqeeyay Xafiiska Dhulka D/hoose waligeed may dhicin Maamuladii hore in dhulka Degsiimada ah (Resendential Earia) lasiiyo danyarta, shaqaalaha Dawllada laamaha kala duwan, Ciidamada Booliska,kuwa Qaranka,iyo kuwa asluubta ee Berbera rasmiga ku ah        marka laga reebo Masuuliyiinta Sare ee Xukuumadda dhexe iyo Ganacsatada waaweyn sida ay ukala jeeb roon yihiin laakiin maanta waa la simey, cid kasta oo dhisan kareysa, hadey qurba joog yihiin iyo hadey kuwaa aan soo sheegay yihiin, waxaaney taasi kor u qaadey in Shacbigii Berbera uga yaaci jirey Magaalooyinka Waaweyn ee dalku ku negaadaan oo dhidibada aastaan”.Sidaa waxa yidhi Axmed Abor(Cawke), oo kamid ah Xiligan Dadweynaha Caadiga ah ee kunool Magaalada Berbera.

Isagoo xusey in aanu Wakhti Xaadirkan kamid aheyn,shaqaalaha D/hoose ee Degmada Berbera oo laga eryay hadalkana, aanu laaluush uga dhigeyn haseyeeshee, uu dhab ahaan uga hadlayo………..Lasoco  Qeybaha Dambe oo aanu idiinku Soo Gudbin doono Xogwaran aanu Masuuliyiinta Degmooyinkan kala yeelaney Mawduuca oo Toddobaadle ah.

 

COMMENTS
Latest News