Saxilnews.com
Ma Guurtida, Wakiilada ama Xukuumadaa hortaagan aqoonsiga Somaliland iyo Cadaalad la helo, mise Shacabka? Maxamuud Cali Sh. Maxamed (Walaaleye)
September 13, 2015 - Written by admin

Qofwalba markuu xanuun dareemo waxuu xalkiisa u doontaa dhakhtarka ugu haboon, isla markaana u isticmaala  daawada uu siiyo, sida loogu tilmaamay,  haddaba, akhristow ma laga filan karaa bukaankii inuu sagsaago ama sifo ka duwan tilmaamahii u isticmaalo dawooyinkii, xaqiiqadu waxay tahay, qof waalan mooyee, mid miyir-qaba aanu weydaaranayn sida loogu tilmaamay.

Waxaynu ognahay in farsamo-yaqaan walba soo raaciyo qoraal sida loo adeegsanayo u fasira agabka uu sameeyey, taasoo qofwalboo hantidiisa geliya intifaacsiga agabkaasi aanu la’aanteeda adeegsan, ilayn diyaar uma ahaa dayacaada iyo khasaare soo gaadha.

Haddaba, akhriste, ma isweydiisay in Ilaahay markuu abuuray bani’aadamka inaanu u soo dejin manhajkii ay noloshooda aduun iyo aakhiraba ku maarayn lahaayeen iyo inkale, xaqiiqee, wuu u soo dejiyey, maadama aanay jirin qof uga aqoon badan sida noloshooda u wanaagsan, ilayn isagaa abuuraye.

Ilaahay aayad qur’aanka kariimka  ah waxuu ku sheegay  macnaheedu yahay “Uma abuurin jinka iyo Insiga inay I caabudaan mooyee”, walaalayaal, hadii ujeedadii Ilaahay aduunka inoo keenay ahayd inaan caabudno, sida loo caabudayo dariiqii aynu u mari lahayna wuu inoo soo dejiyey oo Qur’aanka kariimka ah.

Ilaahay ayaad kale waxuu ku yidhi oo macnaheedu tahay “Dadkaan isku xukumin waxii ilaahay u soo dejiyey (Qur’aanka) , xaqiiqee, kuwaasi waa dulmi-falayaal,), walaalayaal hadii qur’aanku innoo fasirayo sidii aynu cibaadada Alle u gudan lahayn, maxaa innaga hortaagan ku camalfalka aayadahiisa.?

Aayad kale Ilaahay waxuu Qur’aan kariimka inoogu sheegay “Uma sugnaan nin muslim ah iyo gabadh muslimad ah midkooda hadii Ilaahay iyo Rasuulkiisu wax amraan, kala doorasho,” oo macnaheedu yahay inaanay banaanayn in aayadahii Quraanka qaarna qaadano qaarkooda ka dhegaadaygno ku dhaqankooda.

Akhriste, hadii aynu soo aragnay sida ay waajibka ugu tahay qof kastoo islaam ah inuu ku dhaqmo, dhinaca kale, markii Ilaahay ummada Somaliland guul ka siiyey rajiimkii rafaadka iyo burburka gaadhsiiyey, waxgaradkii hagayey shirkii dib-loogu soo ceshaday madaxbanaanidii ee Burco waxay ku go’aamiyeen qodobo dhaxalgal ahaa, oo hadii aynu fulintooda kaga dhabayn lahayn, dhibaatooyin badan oo maanta ummadeena hortaagan, baahi-weyna u qabaan sidii ay uga bixi lahaayeen xalkooda lagu gaadhi lahaa.

Akhriste, qodobadii shirkii Burco ee sannadkii 1991, laga soo saaray waxa ugu horeeyey, uguna muhiimsanaa, in cadaalad dadku helaan, maadama, waxii hore looga dagaalamay cadaalad-daro ahayd, taana lagu heli karo innagoo diinta Islaamka isku xukuna, waxa lays weydiiyey, hadii aynu ku dhaqanno diinta islaamka, bilaa la waayaa aqoonsi aynu dunnida ka naawilayno, laakiin waxgaradkii go’aamadan soo jeediyey waxay cadeeyeen inaan aqoonsiga ugu muhiimsan ka doonayno Ilaahay, taana ku gaadhayno marka aynu diinta Islaamka isku xukuno,  ka aynu dunnida kale ka filaynana, ilaahay quluubtooda inoo gelin doono, markaan dariiqiisa raacno.

Haddaba, isweydiintu waxay tahay halkee ayey ku dambeeyeen go’aamadii laga soo saaray shirweynahii Burco, maxaa loo dhaqangelin waayey, eedeedana yaa loo raacayaa?

Maanta dalkeenu waxuu leeyahay saddex Golle dastuuriyan ah (Xukuumad, Golaha Guurtida, Golaha Wakiilada) oo dhamaan waxii ummada aduun iyo aakhiraba wax u taraya laga doonayo inay u diyaariyaan, balse ilaa maanta midkoodna aynaan ka hayn inuu soo bandhigo dawadii dadku baahida weyn u qabeen, kuna xidhan saxeexa qalinkooda, mise ummad ahaan ayeynaan innagu doonayn inaan kitaabka ilaahay isku xukuno? Ilaahay baan ku dhaartee annigu waan doonayaa, ee akhriste adigu ka waran?

Ilaahay waxuu aayad qur’aan ah inoogu sheegay, “Ummadna Ilaahay ma bedelo, ilaa iyaga isbedelku ka yimaado,”, maanta waxa ugu fudud ee isbedel aynu ku heli karno, una bilaabi karno talaabo inna gaadhsiisa inay gebi ahaanba isku xukuno kitaabka ilaahay, waa innagoo dhamaanteen u istaagna, sidaynu uga dhabayn lahayn islaamnimadeena, codkeenana ku gaadhsiino goleyaasha dalka, inay innagu xukumaan kitaabka Alle, ilayn innagaa u dooranay danaheena inay ka shaqeeyaane, hadii ku dhaqanka kitaabka Alle innaga dhab yahay! .

Akhristayaal, maalinbaa qof kastoo innaga mid ah la weydiin doonaa, sababta uu kitaabka alle ugu dhaqmi waayey xukunkiisa, marmarsiinyana aanu heli doonin, ilaa talaabada maanta uu qaado inta awoodiisa ah mooyee?

Ilaahay waxan ka baryayaa inuu innaga dhigo ummadii kitaabkiisa iyo sunnaha Nebigiisa CSW ka dhigta manhajka ay ku maareeyaan baahiyaadkooda aduun iyo aakhiraba, dhamaan quluubteenana ka dhigo kuwo u degdega daacada Alle iyo adeecadiisa..aamiin….aamiin….aamiin….aamiin…aamiin..aamiin.

 

COMMENTS
Latest News