Saxilnews.com
Ma dhabaa inuu is casilayo Xubinta Xisbiga Ucid ugu jirta Gudida Doorashooyinka?
September 2, 2015 - Written by admin

Hargeysa( saxilnews)-Xubintii xisbiga UCID ugu jirtay guddiga doorashooyinka Qaranka Md. Cabdifataax Siciid Maxamed, ayaa la sheegay inuu iska casilay xubinimadii guddiga doorashooyinka qaranka.

Ma jiro war rasmi ah oo uu Cabdifataax ku xaqiijiyay iscasilaadiisa, laakiin warar soo baxay ayaa sheegaya inuu shalay xilkaas iska casilay, waxaanay wararku sheegayaan inuu istiqaaladiisa u gudbiyay xisbiga uu ka soo jeedo ee UCID. Lama garanayo sababta rasmiga ah ee keentay is casilaada xubintan oo aanay noo suurtogelin inaanu wax ka weydiino jiritaanka warkan.

 

IMG_A7D442-56194D-C57838-4E6A1C-D2C9B9-9B5B96maxamed xasan

 

 

saxilnews005@gmail.com

 

 

COMMENTS
Latest News