Saxilnews.com
Ma Dhabaa In Wasiir Madaxwayne Siilaanyo Adeer U Yahay Uu Hunguraynayo Kursi Wasiir Kale Uu Ku Fadhiyo + Wasiirka Uu Yahay
May 29, 2017 - Written by suxufi

Hargeysa(Saxilnews):- Todobaadyaddii ugu dambeeyayba waxaa soo baxayay warar sheegaya in wasiirka wasaaradda howlaha guud iyo guryaynta Somaliland Mudane Cali Maxamed Xasan “Cali Mareexaan” uu dadaal dheer u galay siddii uu u noqon lahaa wasiirka wasaaradda maaliyadda Somaliland.

Wasiirkan ayaa waxaa sidda wararku sheegayaan xataa magan ugu noqday Musharaxa Xisbiga Muxaafidka ah ee Kulmiye in uu Adeerkii Madaxwayne Siilaanyo uga ergeeyo.

Wasiir Cali Mareexaan ayaa ku andacoonaya in xilligii ololaha xisbiga kulmiye soo dhow yahay siddaas darteedna loo baahan yahay in xiliga la helo wasiir xisbiga la shaqayn kara.

Lama hubo in Muuse Biixi oo muddooyinkan dambe aad looga tixgaliyo hadalkiisa Aqalka looga arimiyo Somaliland in uu madaxwayne siilaanyo ula tagay iyo in kale.

Xigasho Hangoolnews

COMMENTS
Latest News