Saxilnews.com
M-Kuxigeenka Somaliland Ayaa Xadhiga Ka Jaray Dhismaha Hotel Damal Iyo Dahabshiil Banka Berbera
July 17, 2017 - Written by admin

Berbera (Saxilnews.com)-

Madaxwayne Kuxigeenka Somaliland ayaa Manta Xadhiga Ka jaray Baanka Casriga ah Dahabshiil Banka Berbera oo hirgeliyey Ganacsadaha Shirkada Dahabshiil iyo sidoo kale Hotelka Damal oo isugu jira Hurdo Iyo Cunto loona qaabeyey hab caalami ah oo la jaanqaadaya hoteelada aduunka

Madaxwayne Kuxigeenka Oo ay socdaalkiisa Ku wehelinayeen wasiiro ka tirsan xukuumada Somaliland iyo madaxda gobolka saaxil heer gobolka iyo heer degmo ayaa waxay socdaal kusoo mareen qaybaha kala duwan ee uu ka kooban yahay dhismaha hotelka casriga ah ee  damal iyo sidoo kale bankani casri ah waxaan halkaasi madaxwaynaha iyo waftigiisa warbixino kasiinayey madax sare oo kasocotay shirkada Dahabashiil group oo halkaasi faahfaahin kasiiyey hotelkani cusub iyo sida uu shaqayndoono

Furitaankaasi kadib madaxwaynaha iyo waftigiisu waxay ka qaybgaleen munaasib loogu tallogalay in lagu furo hoteelka damal iyo sidoo kale Banka Dahabshiil ee Berbera taasi oo ka dhacday mid ka mid ah hoteelada ka binaysan gudaha huteel damal ee Berbera

Munaasibadani oo sidoo kale kasoo qaybgaleen Wasiirada Madaxtoyada ,Wasiirka Ganacsiga ,Wasiirka Arimaha Gudaha ,Wasiirka Xanaanada Xoolaha Wasiirka Caafimaadka Wasiirka Kaluumaysiga Iyo Sidoo kale Wasiirka Dalxiiska Wasiirka Dhalinyarada Iyo Ciyaaraha Jsl Taliyaha Ciidamada Bada Taliayaha Dabdemiska Iyo Madax kakala socotay haayadaha  laamaha dawlada

Gudoomiayaha Gobolka Saaxil Jaamac Yuusuf Axmed Xogaha fulinta  Dawlada Hoose Ee Berbera Cabdikariim Aadan Siciid oo iyaguna halkaasi ka hadlay ayaa si iskumid ah usoo dhaweeyey dhismahan qurxoon ee bilicda kusoo korhdiyey degmada Berbera waxayna umahadnaqeen mulkiilaha guud ee Dahabshiil Group

Sulaadiin Cuqaal Iyo Waxgarad iyo shaqaalaha kala duwan ee shirkada dahabshiil

Xasan Cabdi Cawad oo kamid aha saraakiisha shirkada dahabshiil iyo sidoo kale Mulkiilaha guud ee shirkadaha Dahabshiil Maxamed Siciid Ducaale  Dahabshiil oo ka waramay ujeedada uu sameeyey maalgashiga bankam casriga iyo hotel damal iyo qaybaha kala duwan ee uu ka kooban yahay

Waxaa iyaguna dhankooda halkaasi hadal kasoo jeediyey una duceeyey sulaadiin booqor iyo duqayn kala duwan oo dhamaantood si farxad usoo dhaweeyey  dhismahan qurxoon waxaana sheegen inay dhamaantoodba soo dhaweyey

Gudoomiyaha Gobolka saaxil Jamac Yusuf Ahmed Iyo Xogyaha Fulinta Dawlada Hoose ee Berbera  ayaa iyaguna halkaasi ka hadalay   soona maalgashiga dhismahan qurxoon ee uu hirgeliyey ganacsadaha shirkada dahabshiil waxayna sheegeen inuu bilic iyo qurxba kusoo kordhiyey

Wasiirka Wasaarada Ganacsiga Somaliland Dr. Cumar Shucayb Ayaa Isaguna Soo dhaweeyey Dhismahani qurxoon ee uu higeliyey ganasadaha dahabshiil isagoo sidoo kalena sheegay inay si deg deg bilaabid ooanaan dhismaha wasrahada sibidhaka Berbera

Wasiirka Xanaanada Xoolaha Somaliland Maxamed Cabdilaahi Daahir Cukuse

Oo halkaasi ka hadlayaa ayaa sheegay inay dawlada sucuudigu xoolaha Somaliland ay xayiraadii ka qaaday isla markana waxaa shacabka Somaliland usheegay inay xoolaha Somaliland si toosa uga dhoofi doonaan carafada soo socota dalka sucuudiga oo hore uqaadan jiray xoolaha ugu badan ee ka dhoofa dekkeda Berbera

Intaasi kadib waxaa si wayn usoo dhaweeyey dhismahani casriga ah ee shirkada dahabshiil gaar ahaana hotelka damalka iyo baanka caalamiga ah ee Dahabshiil Bank qaybtiisa Berbera waxaa ka markhaati kacay inay shikadani tahay ta kowaad ee samaysa maalgashiga badan ee Somaliland wuxuuna ku hambaleyey dadaalkaasi maamulka sare ee shirkada Dahabshiil Group

Wasiirka wasaarada Ganacsiga Iyo Maalgashiga Somaliland Cumar Shucayb Maxamed oo halkaasi ka hadlay ayaa soo dhaweeyey maalgashigan dhismahan qurxoon ee uu sameeyey ganacsadaha dahabshiil waxaa xusay inuu ka mid yahay horumarka Somaliland ku talaabsatay loona baahan yahay in marwalba la dhiirigeliyo

Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi Ayaa isaguna sidoo kale soo dhaweeyey furitaanka xaruntani cusub ee hotel damal iyo Dahabshiil Banka kuwaasi oo wax wayn ka taridoona bilicda magaalada Berbera iyo tageerada ganacsatada ubaahan banan (Banks) ay isticmaalan waxaa wasiirku xusay inay tahay talaabooyinka horumarka ah ee loo baahan yahay in lagu daydo

Madaxwayne kuxigeenka Somaliland mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Saylici oo halkaasi ka hadlay ayaa isaguna sheegay inay xukuumad ahaan dhiirgrlinayaan maalgashiga ganacstada Somaliland waxaa si qoto dheer uga soo waramay taariikhdii iyo maraxladihii kala duwanaa ee uu dalka soo maray

Waxaa yidhi ,waxaa nagu ceeb ah xukuumad ahaan inaan furi kari waynay Warshada mudadii todbada sano ahayd ee aanu dalka soo maamulaynay waxaan rajaynayaa inaanu si dhakhso ah aanu ufuridoono warashada sibidhaka Berbera taasi oo noqon doonta wax wayn oo Somaliland usoo kordhin doonta Somaliland berbera iyo guud ahaanba shacbka

Gabagabadii waxay waftigani socdaal kusoo mareen qaybaha kala duwan ee uu ka kooban yahay hotel damal iyo baanka casriga ah ee Dahabshiil Bank halkaasi oo waftiga warbixin kasiiyey mulkiilaha guud ee shirkada dahabshiil waxayna halkaasi soo mareen qaybaha cuntada, jiifka ,iyo hurda oo ah qaybo loo sameeyey hab casri ah oo la jaan qaadaysa huteelada caalamka waxaanu noqday dhismaha berbera mid si wayn usoo jiitay indhaha wufuudii kala duwanayd ee kasoo baqooshay gobolada Somaliland

 

 

 

 

 

 

 

COMMENTS
Latest News