Saxilnews.com
Liverpool & Everton Oo Bar-Baro Ku Heshiiyay Xilli Liverpool Iska Lumisay Fursad Ay Ku Gali Lahayd Kaalinta 3-aad
December 10, 2017 - Written by editor

 

 

Kulan ka dhacay garoonka Anfiled kana tirsanaa horyaalka Premier league ayay kooxda Liverpool bar-baro la gashay dhigeeda Everton.

Ciyaarta ayaa ahayd mid aan la filayn iyaga oo ayna labada xiddig soo bandhigin qaab ciyaareed qurux badan iyaga oo aan isku qaadayn weeraro halis ahaa.

Kooxda Everton ayaa daafaca ku jirtay halka kooxda Liverpool oo shax aan la filayn ku soo gashay ayaa dhaafi wayday daafacaas ay Everton dhigtay.

Iyada oo ay u muuqato in ay labada kooxood bar-baro ku tagayaan qayb hore ee ciyaarta ayuu Mohamed salah dhaliyay goolka 1-aad isaga oo daqiiqadii 42-aad gool qurux badan dhaliyay.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybtii hore ee ciyaarta oo ay kooxda Liverpool gool dhalisay laakiin ayna soo bandhigin qaab ciyaareed qurux badan.

 

Qaybtii dambe ee ciyaarta ayaa ku bilaabatay mid la mid ah sidii qaybtii hore iyaga oo labada kooxoodba isku mari laayihiin in ay natiijada wax ka badalaan.Everton ayaa daqiiqadii 77-aad heshay goolka bar-baraha iyaga oo uu gool u badalay rikoore Wayne Rooney kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/1.

Kooxda Liverpool ayaa weeraro ku qaadaysay kooxda Everton inkasta oo ay la,ayd cid badasha goolalna ka dhigta iyaga oo qaadayay weeraro ay fursado ka sameeyeen.

Everton oo dhankeeda raali ku ahayd halk dhibic ayaa dhamaan xiddigeheedu galeen daafaca iyaga oo ilaashanayay goolka ay dhaliyeen halka dhibicna ilaashanayay.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaar ay labada kooxood ku bar-bareeyeen 1/1 xilli Everton heshay wixii ay doonaysay oo ahayd in hal dhibic ka hesho kulana.

 

COMMENTS
Latest News