Saxilnews.com
LAYAAB: Immisa Qof Ayaa Ku Dhiman Karta UK Inta Lagu Jiro Kulanka Liverpool & Newcastle & Faah-Faahin Cajiib Ah Oo La Bixiyay.
December 26, 2018 - Written by editor

Warbaahinta Ingiriiska ayaa soo saartay warbixin xiiso gaar ah oo leh oo ay tusaale ahaan ugu soo qaateen kulanka Liverpool iyo Newcastle United, balse ay ku lafa gureen sida uu cudurka Kansarka Qanjirada dhibaatada ugu hayo dalweynaha UK.

Sida xogtaan lagu shaaciyay, 45-daqiiqo walba hal nin oo rag ah ayaa u dhinta cudurka Kansarka Qanjirada UK, taasna waxey ka dhigan tahay in inta uu socdo kulankaas ay ku qiimeeyeen iney naf bixi karaan laba rag ah, waana wax aan kaliya kulankaas ku koobneen balse ah tirakoob ay sameeyaan 24-ka Saac iyo 7-da maalin ee Isbuuca.

Sida xaqiiqda ah cudurka Kansarka Qanjirada waa kan ugu dhibaatada badan UK marka laga hadlo Jinsiga (Labka), waxeyna xukuumadda leedahay rajo fog oo ay kula dagaalameyso cudurkaas.

Mirror Football ayaa qortay warbixintaan, waxeyna tirakoobka dhibanayaasha Kansarka Qanjirada ku saleeyeen tirada qaadka garoomada kubadda cagta horyaalka Premier League.

Xogaha la aruuriyay waxey sheegaan in sanadkii rag gaaraya 47,000 kun laga helo cudurkaan, waana tiro kala bar qaadka garoonka Wembley Stadium oo ah garoonka ay leeyahiin qaranka saddexda libaax.

Waxaa lasii qiyaasay in 36% sare u kac uu ku imaan doono sanadka 2025 ay noqon karto 64,000.

Waqtigaan UK waxaa la sheegaa iney cudurka la nool yahiin 400,000 kun oo rag ah, waana in shan jibaar ka badan qaadka garoonka Old Trafford.

Waxaa layaab ah in sanadkii ay u geeriyoodaan cudurkaan 11,500 rag ah, waana in ka badan tirada uu qaado garoonka Vitality Stadium ee kooxda Bournemouth.

Si kastaba dowladda UK waxey ku bixisay baaritaan lagu sameeyo cudurkaan iyo xal ka gaaridiisa 50 Malyan oo Pound 20-kii sano ee lasoo dhaafay.

COMMENTS
Latest News