Saxilnews.com
LAGU SIIYEE SI WALBA U BOOD W/Q IBRAHIM XAAJI CABDI
August 17, 2017 - Written by admin

Lixdanaadkii markii xornimada laqaatay ayaa ciyaalku waxay ciyaari jireen ciyaa la odhan jiray Lagu siyee si walba u bood.Waxaanay u dhici jirtay inta lasameeyo Gole wayn ayaa qofwaliba ciyaarta uu doonno ayuu ku ciyaari jiray ( botor,Saylici, bariyo, dhaanto, togdheer, Raaxeeye ,riftoon IWM) .Dadka daawanayaa way layaabi jireen qaskan iyo fawdadan,lakiinse waxaa ku jiray macna wayn ,inta badan waxaa ciyaari jiray ciyaala iskoolka khaasatan scout boyga.Waxay si dadban iyo si daalacanba aay bulsha waynta u tusayeen inaaynaan Xornimada u qaadan in qof waliba siduu doono aanu u dhaqmin,Waxaase xaqiiqa ah in wixxii maalintaa caruurtu ka diggaysay hadda taagantahay,oo qof waliba sida uu doono u dhaqmayo inta aay awoodiisa dhaqaale iyo power authority uu haysto.Sidaa darteed Bulshada Somaaliyeed dhammaanba waxaan ku baraarujinayaa in loo noqdo kitaabka Illaahay swt Iyo Sunaha Nebiga SAW,Madaxda dawladdaha iyo kuwa dhaqankuna haku shaqeeyaan wixii looo idmaday. ILLAHAYNA HA LAGA YAABO

COMMENTS
Latest News