Saxilnews.com
Laba Inagu Dhexdulman Dunidana Haldoor Ka Ah .! W/Q Axmed Karaama
January 23, 2017 - Written by Abdisalaan Harir

Way yartahay intuu maryaha iyo kabaha dadku xidhanyihiin ku lebbistay .Kaliyaata qaar isaga u gooniya ayuu qaata goor walba . Waa qof hawl badan , haylsan , oo hadalyar . Hagardaamoo dhan ayuu u dulqaata . Habeenoo dhan ma seexdo , hadduu seexdana ma gamo .Maskaxdiisa iyo muruqiisa wuxuu u miiray sida liin macaanta . Hanti iyo haybad badan dalka iyo dadka dhexdooda kuma laha . Xaq wuxuu u leeyahay inuu labadaas iyo wax ka badanba helee se waa la hagraday . Isaga la’aantii guul lama gaadhi karo ,aqoonsi lama helikaro. Waa seeska iyo asaaskii dawladnimada . Waa isaga cidda dawladuhu kugu ixtiraamaan . Waa isaga cidda lagaaga baqaa . Waa isaga cidda ka masuulka Ilaahay sokadii inaad nabad ku seexato habeenkii . Waa isaga cidda xafladaheena inoo qurxiya ee inoo ilaaliya bilicdooda . Waa isaga cidda hadduu tuug ku helo aad u dacwootaa . Waa isaga ruuxa hadduu qof kale ku xadgudbo waddo ka mariyaa . Waa isaga cidda jamacadaheena hor fadhida ee inoo ilaaliyaa . Waa geesi dhiiranoo garabiyo gaashaan innoo ah . Waa hawl-kar aan daalin hadh iyo habeenba . Waa milgihii iyo maamuuskii dawladnimo . Waa haybaddii iyo waliba hannaankii qaran lahaa . Waa isaga cidda cadawgeena innaga ilaaliyaa . Ugu danbeyntii waa ( Askari) qaran oo sharaf inaga mudan dhammaanteen . Qofka kale waa hagaha nolosheena . Waa furaha mustaqbalkeenna . Waa maskaxdii dunidoo malaasan . Waa waalidkeennii labaad . Waa astaantii cilmigeena . Waa tilmaamihii nolosheena . Waa ababshaha dhallaankeena . Waa kobciyaha garaadkeena . Waa kor u qaadaha fahankeena . Waa isaga cidda adigoo weedhna masanuunin wax ku baraa . Waa isaga cidda jahliga inaga faydaa . Waa isaga cidda dalkeena qurxiyaa . Waa isaga cidda dhakhar iyo siyaasiiyo nooc walba oo bulshada ka mid ah soo saara . Waa hantida iyo warshad dalkoo dhan leeyahay . Waa wax soo saarka keliya ee haddii la haagaajiyo aan lagu khaasarin .Waa astaan wanaagsan oo lagu daydo . Waa ( Macalin ) qaran oo maamuus iyo milgo inaga mudan meel kastuu dalka ka joogo . Haddaba labadaa qofee aan kor ku soo sheegay way inagu dhex dulman yihiin, maal badan iyo magac badan inaguma dhex laha, dunida se waa dadyawga loogu jecelyahay ay ka mid yihiin . Hanti iyo haybadba way ku leeyihiin dalalkooda .
Se inaga labaduba waa dadka ugu mushaharka yar shaqaalaha dawlada .Waxayna ahayd marka loo eego wax soo saarkooda bulsheed in ay iyagu noqdaan foolaadka shaqaalaheena . Nasiib xumo taasi ma jirto .Shaqaday qarankan u hayaan waa hawsha ugu dhibka badan . Mid waa ilaaliyihii amnigeena . Kan kalena waabarihii aqoonta . Cilmi iyo nabad wax ka qaalisan garanmaayo oo lagu beddesho . Waa labada horumarka waddan gaadho ugu muhiimsan . Caafimaadka iyo waxyaalaha kale ee loo yaqaan ( Infrastructure ) waxay yimaadaan ka dib marka la helo cid amnigeeda iyo aqoonteeda u leh mashruucyadaas . Tayanta labadaasi waxay noo horseedi kartaa ilbaxnimo iyo nabad waarta . Daruufaha inagu xeeran waa qaar niyad jebinaaya macalinka iyo askariga .Tusaale ahaan sixirbararka baahsan ee dalka ka jira wuxuu ku keeni karaa dhaawac maskaxeed ( Stress ). Waxaan u baahannahay ayuu u baahanyihiin macalinka iyo askarigu . Waa dad nooloo dhaqan .Qoys iyo carruur baa sugaaya .Waxaa la siiyana waynu naqaana oo maaha mid ku filan baahiya ku hareeraysan . Waxaan jeclahay in dawlada kolba wakhtigaas joogtaa ay indho qurxoon ku eegto labadaa warshadood . Haddii la daryeeli waayo askariga waxaynu arki doonaa askari diley taliyihiisii sidii dhacday ,ama askari laaluush cunaaya oo aaney wax dhaafayn . Haddii macalin ka mushahar wanaagsan la siinwaayo ,waxaynu filaa waxa weeyaan arday bilaa tayo oo aan qarankan anficin iyo waliba waxbarashadii oo qaali garoowda . Dalku wuxuu u baahanyahay hore socod se uma baahna dibu socod . Waxaan ku soo gabagabeynayaa qormadaydan kooban ‘’ Alle hayna fahansiiyo dariiqa toosan iyo waxa khayrku ku jiro si aynu u horumarno ‘’ .

Wq ; Axmed Cabdi Xasan ( AxmedKaraama )

Email ;Karaama477@gmail.com

COMMENTS
Latest News