Saxilnews.com
LA-TALIYIHII MADAXWEYNAHA SOMALILAND EE ARIMAHA DIBADDA OO XILKII ISKA CASILAY
November 5, 2015 - Written by admin

Burco (saxilnews)_Lataliyihii Madaxweynaha Somaliland ee Arrimaha Debedda Ahaana Badhasabkii hore ee Gobolada Togdheer iyo AWDAL ayaa Goor Dhoweyd si Diiran loogu soo Dhoweeyey magaalada Burco iyadoo Gaadiid iyo Dad weyne Tiro badan kaga Hortageen Degmada Qoyta oo 20km waqooyi ka xigta Burco, Soo Dhoweyntan oo Qabanqaabadeedu illaa shalay ka socotay Gudaha Magaalada ayaa kadib waxa cabdo aayir loo soo gelbiyey dhinaca gudaha magaalada, iyadoo ay gelbinayeen shacbiga reer burco oo dhan iyo qaar k amida xildhibaanda golaha degaanka Burco,
waxana lagu soo wareejiyey shaaracyada magaalada iyadoo ay gelbinayaan baabuur ay ku xar dhan yihiin halkudhigyo lagu soo dhoweynayey iyo sawiraddiisu, iyadoo loo gelbiyey dhinaca fagaaraha khayriyadda Burco, waxa markii laga war helay inu fagaaraha kula hadlayo dadweynaha reer burco markiiba la soo dhoobay Khayriyadda Ciidamo Boolis ah oo tiro badan kuwaasoo u diiday inu la hadlo Bulshadii soo dhoweysay, Gadood iyo iska caabin ay Shacabkii soo dhoweeyey sameeyeen kadib waxay ciidama boolisku ku guul darraysteen Baajinta Khudbaddii uu Gudodmiye Cabdo aayir ka jeedin lahaa halkaas, waxana halkaas uu kula hadlay Kumanaan Dadweyne ah oo Magaalada Burco ku soo dhoweeyey, waxa uu Lataliye Cabdo aayir halkaas kaga dhawaaqay inu iska casilay xilkii lataliye ee u xukuumadda madaxweyne siilanyo ka hayey isla markaasna uu ka tashan doono halka uu digo rogan doono balse aanu iminka ku dhawaaqi doonin inu xisbiga ka baxo iyo in kale, lataliye cabdo aayir oo muddo badan ka maqnaa gobolka togdheer ayaa maanta siweyn looso dhoweeyay.

 

 

Cabdoo-Aayar

 

https://www.youtube.com/watch?v=ZODG1JPm7HY

COMMENTS
Latest News