Saxilnews.com
Kulmiye Mucaarad Kama Danyn
May 6, 2015 - Written by admin

Mucaaradnimadii KULMIYE sidaan filaayo waxay ahayd mid ku dhisan siyaasad dhaliil wa hawlo laga gaabiyey, waxaana sababtay in Xisbiga  KULMIYE noqdo mucaarad xoogan wakhtigii olalihii doraashada , Dawladii UDUB oo ahayd dawlad fashilan tay oo shacabkii naceen  xitaa askartii baa nacday iyo shaqaalihii u shaqaynaayey, ilaahayna ka baryi jiray inuu maruun dhaafiyo dawladan wada hungurigaa  Xisbiga KULMIYE  wakhtigasi wuxuu ka guulaystay jaanisyo badan  waayo dawladii UDUB

Mucaaradka Somaliland ee maanta mahayaan dhabihii muraacidnimada oo ahayd sheegista dhaliilaha Dawlada tusinta shacabka meelaha godalooyiinku ka jiraan iyo toosinta dawlada, Keenista iyo ka iibinta shacabka Barnaamij siyaasadeed oo ku taxaluqa mustaqbalka hasa yeeshee mucaaradkan maanta eeggan  dhabahaas wuu ka habaabay wuxuuna qaaday wado qaloocan oo qodxaan leh, iyadoo intaaba looga baahnaa midna may samayn waxayna bedelkeeda keeneen oo soo kordhiyeen camal iyo cibaaro aan hore loo aqoon ceeb ku cusub shacabka iyo siyaasadaba, waxay dhaliil ka dhigaan cay iyo aflagaado si toosa ugu socota Madaxweynaha iyo qoyskiisa sidoo kale xubnaha ugu kartida badan Xukuumada .

Hadii aynu nahay  umad islaama oo dhaqan suuban leh caado umaynaan lahaan jirin nin siyaasiyada oo han hogaamineed leh in intuu saxaafad soo hor fadhiisto halkii laga sugaayey  hadal miisaan leh uu dal dalo cay iyo aflagaado, markuu dhameeyana kuwa yar yaree saxaafada ku yidhaahda “ Adeer sii daaya intaa qabaxdana aniga isoo waydiida”  runtii waa ayaan daro waana nasiib daro haysata siyaasiyiinta mucaaridka , waxaynu odhankarnaa waa cawaaqib xumo samankan ku habsatay Mucaaradkii.

Kuwa Xisbiyada sheeganaya mucaaridka iskau sheegayaa sidaa mucaarid ku ahaan maayaan siyaasaduna cay maaha ee waa farsamo shax loo ciyaaro si haboon, waxaan qabaa inaan KULMIYE mucaarid ka danyn.

Cali Xasan 

COMMENTS
Latest News