Saxilnews.com
KULAN DEG-DEG AH OO LAGAG HADLAY XIISADDA KA TAAGAN GOBOLKA SOOL OO LA ISKUGU YEEDHAY GOLAHA GUURTIDA SOMALILAND
January 9, 2018 - Written by editor

Hargaysa:-(saxilnews.com) Mudanayaasha golaha guurida Somaliland ayaa waxaa la isku yeedhay fadhi aan caadeyn aheyn in ay isku yimadaan, xilli uu golahaasi ku jiro fasixiisii caadiga ahaa.

Xoghayenta golahaasi ayaa dhammaan xildhibaannada guurtida ku wa- galisay in maalinta Arbacada ee Bari bishuna tahay 10.01.2017 ay isku yimadaan fadhi aan caadi aheyn oo goluhu yeelan doono.
Xildhibaano ka tirsan golahaasi oo la weydiisay arrimaha la filaayo in ay kaga hadlaan amma lagu soo hor dhigo kal-fadhigaas aan caadiga aheyn ayaa waxaa shegeen inay kaga hadli doonan arrimaha bariga Somaliland ka soo kordhay iyo xiisada ka taagan gobolka Sool.

COMMENTS
Latest News