Saxilnews.com
Kormeerka Agaasimaha Guud ee Dugsiyada Berbera + SAWIRO
March 17, 2019 - Written by admin

Berbera (Saxilnews.com)-Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska JSL Md. Axmed Abokor Maxamed iyo wefti uu hoggaaminayo ayaa maanta kormeer ku sameeyay qaar ka tirsan dugsiyada magaalada Berbera ee gobolka Saaxil.

Kormeerkan oo daarranaa xogogaal u noqoshada xaaladda waxbarashada dawliga ah ee gobolka Saaxil ayaa waxa uu Agaasimuhu ku maray dugsiyada sare ee Bursade iyo Cabdisalaan, isaga oo subaxdii hore ee saakana daabuurka kala hadlay ardayda Bursade.

Agaasime Guud Axmed Abokor Maxamed waxa uu ardayda fasallada 4aad (Form 4) ee dugsiga sare u qaybiyay buugaagta daabacan ee manhajka, isaga oo kula dardaarmay in ay buugta ilaashadaan, isla markaasna ay tacliinta ku dedaalaan maadaama muddo kooban ka hadhsan tahay imtixaannadii.

Sidoo kale waxa uu Agaasimaha guud maanta kulan kula yeeshay xarunta waxbarashada ee gobolka Saaxil kormeerka iyo maamulayaasha dugsiyada Berbera.

COMMENTS
Latest News