Saxilnews.com
KOOX MAAFIYO AH OO DAACAD U AH MAREEYE XOOR-XOOR OO DHULKA LA SIMEY DHISME DAD SHACABI LEEYIHIIN.
April 16, 2015 - Written by admin

Berbera (Saxil News.com)-Koox maafiyo ah oo uu horkacayey Xooghayaha Xisbiga Kulmiye Ee Gobolka Saaxil Mr.Cali Hala-Kaco ayaa gabi ahaanba dhulka la simey dhul ay seesanayayeen dad muwaadiniin ah dhulkaas oo ku yaala tuulada xeedho oo ku taala xeebta galbeed ee magaalada Berbera. Dhulkan oo sida ay dad goob joogi noo sheegeen seeskoodu halkaas ka socdey ayaa waxa mar qudha ka soo dul degay kooxdan maafiyada ah oo ku hubaysan qoryo wateyna baabuur saruf-yo ah waxaana ay noo xaqiijiyeen dadka deegaanku kooxdan inay ka garteen cali hala-kaco. Waxa kale oo ay goob jooga yaashu intaa ku dareen in ay kooxdan maafiyada ahi shaqaalihii dhiska wadey ugu goodiyeen in ay madaxa ka guri doonaan hadii ay mardambe ku arkaan aagan, waxa kale oo hadaladooda ka mid ahaa’’ maxaa dhulkiinii indka keenay’’ Markii falkaasi dhacey waxa goobta tagey Taliyaha Saldhiga Dekeda Berbera Maxamed dacar oo ay isku jifo yihiin raga falkan sharci darada ah ku kacey, dad goobjoogayaal ah ayaa noo xaqiijiyey inuu aad ugu mahad naqay ragii falkan geystay isaga oo faraxsana uu halkaasi ka soo laabtey. Dadkii hantida laga burburiyey ayaa u dacwad tegay taliyaha qeybta iyo badhasaabka gobolka saaxil, intaasi ka dibna taliyuhu wuxuu amar ku bixyey in la soo qabqabto dadkii falkaas ka dambeeyey nasiib daro se hadalkii badhasaabka waxa bar kuma taal ka dhigey b/xigeenka gobolka saaxil mr. xaamud oo uu dabada ka hagayo mareeyo xoor-xoor oo uu jeebka midig ugu jiro. Wuxuuna badhaasab xigeenku si cad u hor istaagey ciidamo police ah oo doonayey inay qabtaan xooghaya xisbiga kulmiye ee gobolka saaxil cali hala-kaco. Wuxuuna b/xigeenku ku doodey inuu yahay masuul hawl xisbi ku jira, dhinaca kalena waxa islamarkiiba la sii daayey laba nin oo kale oo ka mid ahaa maafiyada burburisey seeskan. Dhacdadan foosha xun oo aan ahayn mid ugub ku ah gobolka saaxil in dad dambiilayaal ah uu sharciga kala roor mareeye xoor xoor oo labaatankii sano ee u dambeeyey ku tagrifalayey hantida umadda ka dhaxeysa isaga immikan u soo biyeystay inuu beelaha walaalaha iska hor keeno isagoo adeegsanaya falsafad ah yey beel heblaayo halkaas inoo soo dhaafin. Dhulkii dadka isku midka ahi wada deganaayeenna doonaya inuu khad cagaaran kala dhex dhigo.

 

Saalax Nuux Jaamac 

Berbera/Somaliland

Cirbixiye@hotmail.com

COMMENTS
Latest News