Saxilnews.com
KOOX DABLAY AH OO LALA XIDHIIDHINAYO JABHADA SULDAAN WABAR OO SAAKA BOORAMA KA AFDUUBAY GADIID AY DOWLADU LEEDAHAY
April 12, 2015 - Written by admin

Boorama(SaxilNews.com)-Warark naga soo gadhaya magaalada Boorama ayaa sheegaya in saaka salaadii Subux ay koox Hubaysan oo Dablay ahi ka afduubeen Gaadhi noociisu yahay Xaajiyad oo Wasaarada maaliyada Somaliland leedahay 

 

,kaas oo sida la sheegay markii afduubka loo geystay ka soo baxayey Geerash baabuurta lagu xareeyo una xadhko xidhnaa sidii uu u bilaabi ahaa hawl maal-maad kiisa shaqo ee uu wasaarada maaliyada u hayey.

 

Gaadhigana  oo noociisu ahaa Xaajiyad ,ayaa la sheegay inay kooxda afduubtay ay  tiradoodu gaadhayso ilaa shan ruux,iyagoo sida la sheegay qori dabiid iyo feedh la dhaceen Wadihii Gaadhiga oo ay si khasab ah ku kaxaysteen,inkastoo  uu qayliyey mudo haddana dadkoo  hurda awgeed muu helin wax gurmad ah, lamana garanayo illaa hadda xaga ay la aadeen .

 

Geesta kalen ciidan kala duwan ee magaalada Boorama ka hawgal ayaa bilaabay hawgal ay ku baadi-goobayaan gaadhigaa la afduubtay saaka,kooxdan ayaa sidda xogoha Sh.somalilandlive.com ka helayso illa war-galleeno ah oo Boorama ku sugan,ka tirsan jabhada Suldaan Wabar iyagoo intaas ku daray waa war-galeenadee inay gaadhiga u kaxaysteen dhanka jiida fadhiisinka u ah Jabhada suldaan wabar .

 

Si kas tab ha-ahaatee waxa saaka koox dablay ahi gaadhi Dowladu leedahay iyo Darawlkii waday ka afduubtay gudaha magaalada Boorama

 

 

SaxilNews.com

COMMENTS
Latest News