Saxilnews.com
Koonfurta Ossetia: Ruushka oo ku xididaystay Georgea
August 8, 2018 - Written by editor
Xusuustadadkii South Ossetians ee lagu dilay gantaaladii Georgian xilligii dagaalka
Image captionXusuustadadkii South Ossetians ee lagu dilay gantaaladii Georgian xilligii dagaalka

Goob bar-koontarool ah oo ay militariga leeyihiin oo u dhaxeeysa Ruushka iyo Koonfurta Ossetia -oo ah qayb ka mid ah dalka Georgia.

Gobolkani ayay ciidamada Ruushka qabasdeen 10 sano ka hor ka dib dagal halkaasi ka dhacay.

Caalamka waxa uu u aqoonsan yahay in Ossetia ay qayb ka tahay Georgia, balse dadka ku nool inta badan waxa ay haystaan Baasabooro Ruush ah waxa ayna qaataan lacagta howgabnimada ee Ruushka.

Bishii August 2008, Georgia ayaa isku deyday in ay dib u qabsato gobolka Koonfurta Ossetia, oo ay ka dagaalamayeen kooxo gooni u goosad ah sanaddii 1990.

Ruushka ayaa halkaasi ciidamo geeyo waxa ayna ka saareen ciidamadii Georgia Ossetia iyo Abkhazia, waxa ayna xukuumadda Moscow u aqoonsan tahay in ay yihiin “Dalal madaxbanaan”.

Maanta ciidamada Ruushka kuma sugna oo kali ah South Ossetia iyo Abkhazia; balse waxa ay Ruushka joogaan gobolka Crimea, halkaasi oo ay tageereen mucaaradkii bariga Ukraine waxa ayna Ruushka sidoo kale ciidamo u direen dalka Suuriya.

Dad uu cabsi galiyay dagaal.

Waxaa loo socanayaa muddo hal saac ah xudduuda casimadda Koonfurta Ossetia Tskhinvali – mana jiro wax basas ah ah ama tareen halkan ka shaqeeya.

  1. Sawirro : Sooyaalka xiriirka Ruushka iyo Maraykanka
  2. Nin baaskiil ku tagey Ruushka sii uu ula kulmo Messi
  3. Ruushka oo “dilay” hogaamiye daacish ah
Waa dhismo ku yaalla Tskhinvali oo wali uu raadka dagaalka ka muuqdo
Image captionWaa dhismo ku yaalla Tskhinvali oo wali uu raadka dagaalka ka muuqdo

Gawaaridda militariga Ruushka ayaa inta badan lagu arkaa halkan iyaga oo u kala gooshaya saldhigyo militari, balse halkani waxaa jirta calaamad yar oo muujinaysa in ay noolal ka jirto tuulooyiin aan dad ku noolayn.

Dhagxaanta yaalla goobo buuralay ah ayaa waxaa lagu qoray erayo sida “Ruushka Wuu mahadsan yahay”.

Waxaa Koonfurta Ossetia imika ku nool 50,000 oo qof waxa ayna dadkan inta badan ku nool yihiin magaladda ,Tskhinvali -oo wali ay ka muuqato cabsidii dagaalka.

Khariiradda Georgia
Image captionKhariiradda Georgia

Qaar badan oo ka mid ah dadka halkan ku nool waxa ay u arkaan in Ruushka uu ka badbaadiyay xaalad halis ah.

“Waxa aan dareemay sida iyada oo uu cirka soo dhacayo iyo sida iyada oo caalamku uu soo daba dhamaanayo,” waxa sidaasi sheegay Tamerlan Tadtaev.

“Waa markii iigu horreeysay oo aan arko gantaalo, aad ayaan ugu faraxsanahay faragalintii Ruushka, haddii aysan sidaasi samayn lahayn maanta kulama hadleen” ayuu inta ku daray.

Ku dhawaad 1,000 qof ayaa la dilay, halka tobannan kun oo qof oo ahaa dadkii ku noolaa dhulka lagu muransan yahay lagu qasbay in guriyahooda ay ka qaxaan.

Waddada aadda dhanka Ruushka ayaa waxaa ku dhagan boor uu ku sawiran yahay cunug ooynaya oo lagu hoos qoray taariikhda 08.08.08 – oo ah maalinkii ay ciidamada Georgia ay soo galeen gobolkaasi.

Waxaa sidoo kale boorkaasi ka muuqda kolanyo rayid ah oo ay duqayn u gaysanayaan ciidamada Georgia halkaasi oo ay dad badan ku dhinteen.

Dhaawicii Georgia.

Dhanka Georgia dadka waxa ay arrintani ula muuqata mid taasi ka duwan ,balse xanuunka way ka siman yihiin.

Lt Col Giga Dzhincharadze
Image captionKorneelGiga Dzhincharadze oo ak mid aha ciidamadii Georgia ee ak howlgali jiray South Ossetia

“Waa dhaawac dib u billaabmaya mar walba oo la gaaro 8 bisha August,” waxaa sidasi sheegay Korneel Giga Dzhincharadze, oo isagu goob joog ka ahaa dagaalkii Koonfurta Ossetia 10 sano ka hor islamarkana ay askar badan uga dhinteen.

Waa uu jeclaan lahaa in uu booqdo Koonfurta Ossetia si uu xushmadiisa u muujiyo, balse waxa markii hore ahaan jiray safar sahlan ayaa imika aysan u suuragalayn dadka reer Georgia.

Dad badan ayaa u arka dagaalka Ruushka iyo Georgia ay tahay carcarka uu wado militariga Ruushka.

Dadka lafagura arrimaha Ruushka ayaa waxay sheegayaan in dalalka reer galbeedka aysan ku baraarugsanayn damaca madaxwayne Vladimir Putin.

“Sanaddii 2008, dad badan oo ku sugnaa Berlin iyo Paris, sida kuwa ku sugan imika Washington,waxa ay rumaysan yihiin Putin in uu yahay nin wanaagsan oo lala shaqaysan karo ,” waa sida uu sheegayo Gela Vasadze, oo ah nin falanqeeya siyasadda oo kuna sugan Georgia.

Boor ay ku qorantahay halkudhig : "Waxa aan difaacaynaa xudduuda, waxa aan difaacayna nabadda "
Image captionBoor ay ku qorantahay halkudhig : “Waxa aan difaacaynaa xudduuda, waxa aan difaacayna nabadda “

“Cidna ma doonayn in ay Ruushka la muranto sababtoo ah Georgia oo ah dal yar ” ayuu intaa ku daray.

Vasadze ayaa sidoo kale farta ku fiiqay in markii bishii March 2008, la doortay Dmitry Medvedev ay dad badan oo Ruushka iyo dibadiisa ba ku sugan ay rajaynayeen in Moscow ay qaadi doonto waddo cusub oo dimuqraadiyadeed.

Ugu dambayntii hal mar oo kali ah ayaa la soo doortay Dmitry Medvedev waxa uuna dib awoodda ugu wareejiyay Vladimir Putin, oo isagu siyaasadiisa arrimaha dibadda ay ahayd mid qalafsan.

Balse dad badan kuma raacsano in reer galbeedka ay dhayalsadeen Ruushka.

Mid ka mid ah saldhigyada militariga ee ku yaalla South Ossetia
Image captionMid ka mid ah saldhigyada militariga ee ku yaalla South Ossetia

Muddo toban sano ah ka dib xiriirka Ruushka iyo reer galbeedka oo aan wanaagsanayn awgeed ayaa waxa ay adkeysay in la soo afjaro dagaalka Ukraine.

Marka aan dib ugu soo laabano gobolka Koonfurta Ossetia dadka ayaa waxa ay ku tiirasan yihiin miisaaniyadda Ruushka waxaana aad u yar shaqooyiinka

COMMENTS
Latest News