Saxilnews.com
Komishanka Doorashooyinka Somaliland Oo Soo Bandhigey Qorshe Warbaahinta Madaxa Banaan Caqabad Ku Ah+Waxa Uu Yahay Iyo Ujeedada Ay Ka Leeyihiin.
March 19, 2017 - Written by suxufi

Hargeysa(Saxilnews)-komishanka Doorashooyinka Somaliland ayaa waxay ay daah fureen qorshe caqabad ku ah warbaahinta Madaxa banaan ee Somaliland kuwaasi oo si joogta ah ugu gudbiya shacabka Wararka kala duwan gaar ahaan kuwa ku saabsan shaqooyinka komishanka.

Qorshaha ay daah fureen komishanka ayaa ah in wararkii kala duwanaa ee ay bulshada u soo marin jireen Warbaahinta waxay sheegeen in taas bedelkeeda ay door bideen furitaanka Shabakad ay ku soo gudbin doonaan macluumaadka kala duwan iyo warsaxaafadeedyada taasi oo ay ku soo bandhigi doonaan wixii warar ah ee ku saabsan komishinka Doorashooyinka websitekaasi ay daah fureen maanta.

inkasta oo hore ay u lahaayeen Shabakad ay Macluumaadka ku soo gudbiyaan se may ahayn mid ay ugu talo galeen gudbinta Warsaxaafadeedyada hase yeeshee waxa uu ahaa mid ku shaqo leh arimaha u gaarka ah sida bandhiga shaqooyinka ka banaan iyo sidoo kale ku ururinta xogahooda

Daah furka Shabakadani ay sheegeen in ay komishanku ku soo gudbin doonaan wararkooda ayaa caqabad ku ah Warbaahinta Madaxa banaan, iyada oo ay meesha ka baxayso hadii ay si toos ah u fuliyaan arintan waydiimaha Su’aalaha inta badan la xidhiidha dhaliilahooda iyo toosintooda oo ay warfidiyeenadu waydiiyaan xubnaha Komishinka Doorashooyinka Qaranka.

Su’aalahaasi oo ah kuwa shacabku iswaydiiyaan inta badan iyada oo dhanka kale ay xusid mudan tahay in todobadan xubnood ee komishanka ah lagu dhaliilo go’aan jilayc iyo gudasho la’aanta shaqooyinka loo igmaday.

Waxaanay arintani cadaynaysaa kalsooni la,aanta ay iska qabaan in ay si toos ah u soo hor fadhiistaan warbaahinta madaxa banaan iyada oo lagu gudo jiro xili adag oo ay dhow yihiin in ay dalka ka dhacaan doorashooyin looga fadhiyo in ay iyagu hagaan.

Halkan Ka Daawo Muuqaalka ay ku soo bandhigeen

COMMENTS
Latest News