Saxilnews.com
Kominshan Doorashooyinka Somaliland Oo Ku Dhawaaqey Natiijada Quri Tuur Ay U Sameyeen Saddexda Xisbi Ee Kulmiye , Waddani Iyo UCID
June 20, 2017 - Written by Saki Adam Suxufi
Hargeysa (Saxilnews):- Kominshan doorashooyinka Somaliland ayaa waxaa ay ku dhawaqeen natiijada qorituur ay 14 bishan u sameyeen saddex xisbi qaran ee Somaliland ee Kulmiye , Waddani iyo UCID

 

Qori Tuurkan ayaa waxaa uu ahaa sidii ay saddexda xisbi ugu kala horeyn lahayeen magaca iyo astaamaha lagu soo daabici doono warqada cod bixinta doorashada madaxtooyada Somaliland ee dhici doonta 13.11.2017

 

Waxaana Qori tuurkan ugu kala Guuleysteen xisbiyadu in Xisbiga UCID kaalinta koowaad ka galo warqada cod bixinta , xisbiga Kulmiye uu ku xigo isla markaana ugu danbeeyo xisbiga Waddani

Halkan Hoose Ka Akhriso Warqad Ay Soo Saaren Guddida Doorashooyinku

 

COMMENTS
Latest News