Saxilnews.com
Khubadii Gudoomiyaha Xisbiga Wadani C/raxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro) Uu Ka Jeediyey Furitaankii Shiwaynaha Dhalinyarada Wadani
March 15, 2015 - Written by admin

Hargaysa (Saxil News.com)-Gudoomiye Cirro Oo Khudbad Dhinacyo Badan Taabanaysa Ka Jeediyey Furitaankii Shir-weynihii 1 Aad Garabka Dhalinyarada Xisbiga WADDANI Halkan ka akhri Khudbadii Guddoomiye Cirro ka jeediyay Shirweynaha Dhalinyarada ee Heer Qaran. Khudbadda Gudoomiyaha Shirka 1aad ee Heer Qaran ee Garabka Dhalinyarada

1. Furitaanka: soo dhoweyn iyo munaasaba

Waa Shireynihii 1aad ee Garabka Dhallinyarada Dhallinta ee Xisbiga

WADDANI Waa kii noociisa ah ee Xisbiyada Somaliland u qabteen dhalinyaro

Waa astaan in Xisbiga Waddani ay Dhalinyaradu u lafdhabar u tahay Waa midaynta dhalinyaradda Somaliland ee ka kala yimi min Dhahar ila Sayla , min Borama ilaa Badhan, min Laas Caanood ilaa Laas Geel. Waa bilowgi suggidda caddaladda dawrka hablaha oo 30% ergooyinka laga codsaday inay hablo ka soo dhigaan.

Waxaan shirkan idiinku qabanay inaad qabyaaladda kaga baxdaan oo noqotaan hal qabiil keliya oo magaciisa la yidhaa WADDANI kuna abtirsataan. Haddii la idink weydiiyo jilibka ama ardaaga aad ka tihiin jawaabtu WAA GARABKA DHALLINYARADA .

2. Dhalinyaradu:

Waa mustaqbalka Somaliland: waa maskaxda, muruqqa, maalka iyo kaydka Qaran oo kobcin iyo korin inooga baahan Waa khayraadka ugu muhiimsan ee Qaranka maanta haddii loo abuuro fursado la maali karo xoggooda iyo maskaxdooba

Isagoo ka duulaya arrimaha kore, Xisbiga WADDANI waxa mabda’ asaasi u ah in uu hooy u noqdo dhalinyaradu kaas oo ay ku koraan, ku hawlgalaan, kuna dhistaan hiigsi barwaaqo

 

4.Mudnaanta Waxbarashada iyo Isbootiga

– Siyaasadda Xisbiga WADDANI ee horumarka Somaliland waxaa mudnaanta kobaad leh in la dhiso khayraadka dadka (Hunan Resource) ee dalka. Waxa lagu dhisayaa waa waxbarasho tayo iyo baaxadba leh. Waxa kow mudnaanta leh oo ay u adeegaysaa siyaasadduna daryeelka dhaliyarada.,Waxana Iyana uu Xisbga WADDANI mudnaan gaar ah siinayaa baahinta iyo kor u qaadidda awoodda isboorti ee Somaliland oo

halbowle u ah barbaarinta dhalinyarada: waa koriinka garaadka, jidhka

iyo wada- noolaashaha bulshada (social).si taas loo helo, waa in goob kasta oo wax barasho ama deegaan loo qorsheeyo xarunta ciyaaraha kala duwan ( Sports Centre).

COMMENTS
Latest News